Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog sheegeysa in Kheyre uu xisbi gaar sameysanayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhawaan Ra’isul wasaare ku xigeenka Soomaaliya wuxuu sheegay in dowladda hadda jirta ay soo waddo xisbi weyn oo siyaasi ah uuna musharax u yahay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Arrintaas waxey dhalisay shaki badan iyo su’aalo badan oo ku saabsan halka uu ku dambeyn doono mustaqbalka siyaasadeed ee ra’isul wasaare Kheyre, oo dad badan ay u arkaan inuu leeyahay han madaxweyne, ilo-wareedyo ku dhowna sidaas laga soo xigtay.

Kheyre waxaa loo arkaa inuu ku jiro olole siyaasadeed, waxaana dad badan u muuqata inuu haminayo tartanka doorashooyinka madaxtinimada ee 2021, maadaama guuxa ugu badan uu yahay in nidaam xisbiyo ah lagu gali doono doorashadaas, Farmaajana uu u muuqdo mid u baahan inuu dib usoo laabto waxaa la is weydiinayaa sidey isku qaban karto iney hal xisbi ku midoobaan.

48-saac ee lasoo dhaafay waxaa xoogeysatay xanta sheegeysa in Ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre uu sameysanayo xisbi isaga u gaar ah, waxaa jira kulammo uu la qaatay xildhibaano iyo waxgarad oo arrintan la xiriira.

Kheyre iyo Farmaajo aad ayay isugu dhow yihiin, marka la eego sida ay illaa iyo hadda u wada shaqeeyaanna, waxaa muuqata inay ku socdaan wadda ka duwan madaxdii ayaga ka horreeyey oo ah inaysan iskhilaafin. Sidaas oo ay tahay ayaa haddana in labadooda ay wada tartamaan 2021, waxaa dadka qaar u arkaan inaysan ahayn kala fogaansho, balse ay tahay inay laba af wax ku raadiyaan, si siyaasadahooda usii socdaa wixii dhaafsan 2021.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this