Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax caawa lagu weeraray mid kamid ah xarumaha Degmooyinka G/Banadir & Khasaaro ka dhashay Qaraxa

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa jug culus goordhow laga maqlay magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Waabari ee Gobolka Banaadir.

Jugta oo aad u xooganeyd ayaa lasoo sheegayaa inay ka dhalatay Bam gacmeed lagu weeraray Xarunta Degmada Waabari.

Jugta kadib ayaa waxaa la maqlaayay rasaas ay ridayeen ciidamada ilaalada ka ahaa Degmada iyo kuwo ku sugnaa meelo aan sidaa uga sii fogeyn.

Qaraxa loo adeegsaday Bam gacmeedka ayaa waxaa ku dhaawacmay hal Askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya, kaa oo markii danbe la dhigay goobaha caafimaadka.

Qaraxa kadib Ciidamada ammaanka ayaa isla caawa bilaabay baaritaano amni xaqiijin ah, waxayna ku daba jiraan raggii ka dambeeyay weerarkan, sida ay sheegeen saraakiil qaabilsan ammaanka.

Si kastaba ha ahaatee, Qaraxa lagu weeraray xarunta Degmada ayaa kusoo beegmaya xili garoon ku dhexyaala degmada ay habbeenkii ku cayaaran mas’uuliyiin ka tirsan maamulka iyo kuwo kale.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this