Sign in to follow this  
Deeq A.

Afar Sano ka Dib Dilkii Godane Maxaa Iska Badalay Awooda Al-shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Kooxda Al-shabaab ee ka dagaalanta Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayaa muujisay inay  wali ku xoogan tahay dalka Mar ka la eego Weerarada ay ka geystaan Gobalada Koofurta Soomaaliya.

Afar Sano Ka dib dilkii Hogaamiyihii guud ee Kooxda Al-shabaab Axmed Godane ayaa la Sheegay inay Xoojiyeen Weerarada ay ku qaadayaan Saldhigyada Ciidamada  iyo goobaha Shacabku ay ku badan yihiin sida maqaayadaha iyo Hotleeda Magaalada Muqdisho.

War-bixin ay soo saartay Kooxda Al-shabaab ayaa lagu sheegay inay Xoojiyeen dhismaha Maleeshiyaadka Hubeysan ee Weerarada ku qaada goobaha Dowladda Soomaaliya ay Maamusho oo ay ka mid yihiin Gobalada Shabeelooyinka iyo Magaalada Muqdisho,

sidoo kale Warxintaan ayaa lagu xusay Weeraro dhiig uu ku daatay,kuwaasi  muujinaya inay wali Xoogan tahay Awooda Kooxda.

1-Weerarkii Leego oo dhacay bishii June 2015 waxaa lagu dilay in kabadan 70 Askari oo katirsan ciidanka Burundi.

2-Weerarkii deegaanka Jameeco oo dhacay bishii June 2015 waxaa lagu dilay 60 Askari Itoobiyaan ah.

3-Weerarkii Ceel Cadde oo dhacay bishii Janaayo 2016 waxaa lagu dilay 200 Askari Kenyaan ah

4-Weerarkii Janaale oo dhacay Bishii September 2015 waxaa lagu dilay 55 Askari Yugaandheys ah.

5- weerarkii Kulbiyoow oo ciidanka Kenya looga dilay 57 askari.

6-weerarkii Golweyn oo 51 askari looga dilay ciidanka Uganda

7-weerarkii Halgan oo ciidanka Itoobiya looga dilay ugu yaraan 60 askari.

Ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed oo ay wehliyaan Ciidanka gaarka ah eeDowladda Maraykanka ayaa Koofurta Soomaaliya ka joogteeyey Weerarada Cirka ah ee lagu beegsanayo Hogaamiyaasha Ururka Al-shabaab, balse wali laguma guulaysan in la soo afjaro qatartooda.

Xasan Mohamed Samatar Cowke

Puntlandpost

Muqdisho

The post Afar Sano ka Dib Dilkii Godane Maxaa Iska Badalay Awooda Al-shabaab appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this