Sign in to follow this  
Deeq A.

War Deg Deg:-Qarax Goordhaweyd Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Inta la xaqiijiyay labo askari oo ka tirsan Ciidamadda Dowladda Soomaaliya ayaa dhaawacantay, kadib qarax gaari lagu dhajiyay oo goordhow ka dhacay Degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir gaar ahaan Xaafadda Nuur aduunyo.

Jugta qaraxaan ayaa maqlay guud ahaan xaafadaha Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Saraakiil Ciidan ayaa sheegay in qaraxa lagu soo xiray gaari yar oo ah SURF, ayna ka shakiyeen laamaha amniga markii ay udhowaadeenna uu qarxay.

Dhanka kale goobta uu qaraxa ka dhacay waxaa goordhaweyd gaaray Ciidamadda amaanka Dowladda Soomaaliya,waxaana socda baaritaano.

Xasan Mohamed Samatar Cowke

Puntlandpost

Muqdisho

The post War Deg Deg:-Qarax Goordhaweyd Ka Dhacay Magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this