Deeq A. Posted September 1, 2018 Ciidamada amniga dowladda Soomaaliya ayaa la sheegayaa in ay saaka hawlgallo culus ka samaynayaan degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose. Hawlgalladan ayaa daba socda dagaallo halkaasi xalay ku dhexmaray malayshiyaad ka tirsan Al-shabaab iyo ciidamada dowladda Soomaaliya,sida ay xaqiijiyeen saraakiisha ciidamada. Sidoo kale dadka degaanka ayaa soo sheegay in saaka ciidamada amniga ee dowladda Soomaaliya ay hawlgallo baaritaan ah ka wadaan xaafadaha kala duwan ee degmadaasi,islamarkaana ay guryaha ka baarayan dad lagu tuhmayo in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab. Dagaal-yahanno ka tirsan Al-shabaab ayaa xalay weerar saddex jiho ah ku qaaday degmadaasi,waxaana la sheegaya in khasaare dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay,inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin. Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ayaa sheegay in weerarka ay uga dhinteen laba askari oo keliyah,halka saddex kalena kaga dhaawacantay,balse ay Al-shabaab khasaare xooggan gaarsiiyeen,sida ay hadalka u dhigeen. Maamulka gobolka Shabeellaha Hoose ayaa dhankiisa sheegay in magaalada Afgooye laga sifayn doono malayshiyaadka ka tirsan Al-shabaab ee shacabka ku milmay,si aanay mar dambe u dhicin weerarro kale oo ay degmada ku soo qaadan. PUNTLAND POST The post Hawlgallo culus oo Afgooye ka socda appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites