Sign in to follow this  
Deeq A.

Khilaafka Galmudug oo la sheegay in si buuxda loo xallinayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne ku xigeenka maamulk goboleedka Galmudug,Maxamed Xaashi Cabdi(Carrabeey) ayaa sheegay in si kama dambays ah loo xallinayo khilaafka ragaadiyay maamulka ee u dhexeeya madaxda sare Galmudug.

Mudane. Carrabeey wuxuu sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay dadaal iyo wakhti badan gelisay,xallinta khilaafka madaxda Galmudug,islamarkaana dhowaan si buuxda loo dhamayn doono khilaafkaasi.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho horeyna loogu eedeeyay in ay dabada ka riixayso xukuumadda Soomaaliya,waxa uu hadda xaqiijiyay in khilaafka madaxda Galmudug heshiis rasmi ah looga gudbayo,inkastoo uusan wakhti cayiman sheegin.

Khilaafka u dhexeeya madaxda sare ee Galmudug ayaa sida la sheegay ka dhashay,hannaanka loo maray midaynta Ahlu-sunna iyo Galmudug,taasi oo ay aad ugu kala fogaadeen,madaxweyne Xaaf oo dhinac ah iyo madaxweyn ku xigeenka iyo guddoomiyaha Baarlamanka oo dhinac ah.

PUNTLAND POST

The post Khilaafka Galmudug oo la sheegay in si buuxda loo xallinayo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this