Sign in to follow this  
Deeq A.

Nabaddoon si kulul u eedeeyay wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Nabaddoon Maxamed Xassan Ismaaciil oo kamid ah nabadoonnada gobolka Nugaal ayaa si adag u dhaliilay,wasaaradda Arrimaha gudaha dowladda Puntland oo uu ku eedeeyay in ay curyaamisay maamulkii degmada Buurtinle.

Nabadoonka oo ka hadlayay,munaasabad jimcii shalay lagu qabtay Buurtinle, ayaa sheegay in wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland ay burburisay maamulkii Buurtinle,sidoo kalena ay hor taagantahay qabsoomidda kal-fadhiga Golaha Degaanka degmadaasi.

“Degmadu maamul maleh,waa in maamul loo sameeyaa,waa in koonsalka loo furaa,talada annagaa leh,wasaaraddu nama af-duubi karo.Waxaan idin leenahay maamul haloo sameeyo degmada. Run aan isu sheegno niman good-gooddinayan maqlayey”,ayuu yiri nabaddoonku.

Dhinaca kale nabaddoonku wuxuu sheegay in curyaaminta ay wasaaraddu ku hayso degmada Buurtinle uu wax ka ogyahay maamulka gobolka Nugaal,maadaama sida uu hadalka u dhigay ay wasaaradda iyo gobolku ka midaysan yihiin in aysan maamul shaqeynaya yeelan degmada Buurtinle.

PUNTLAND POST

Cabdiraxmaan Ciise Cumar

The post Nabaddoon si kulul u eedeeyay wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this