Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Sababta Ducaale uga cudur daaranayo inuu qabto xilka duqa MUQDISHO

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamed Abuukar Islow Ducaale hadda waa Wasiirka Amniga ee Dowladda Soomaaliya, shaqsiyan maahan nin amni, waana ganacsade ku fiicnaan lahaa in loo xilsaaro arrimaha ganacsiga iyo hormarinta, sidoo kalana waa xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Guuxa siyaasadda wuxuu sheegayaa in Ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre uu doonayo in Maxamed Abuukar Islow laga dhigo gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, balse Isloow ayaa la rumeysan yahay inuu ka caga jiidayo xilka gudoomiyaha gobolka Banaadir.

baaritaaan ayaa lagu aaday bababta Wasiir Isloow uu kaga caga-jiidayo booskaas duqa magaalada oo ka muhiimsan midka uu hadda joogo, Islow waa xildhibaan hadii uu doorto xilka duqa magaalada wuxuu weyn doonaa kursigiisa xildhibaanimo mana hubo inuu waqti dheer ku nagaan doono jagada Gudoomiyaha gobolka Banaadir taasoo isha lagu wada hayo, waana sababta loo badinaayo inuu uga caga jiidayo qabashada xilka gudoomiyaha gobolka Banaadir.

Waxaa maalmahii lasoo dhaafay isi soo tarayay wararka sheegaya inuu isbadal ka dhici doono maamulka Gobolka Banaadir oo uu meesha ka bixi doono Eng. Yariisow, Isloow wuxuu ka mid yahay dadka aadka loogu saadaalinaayo iney badali doonaan Yariisow, lamana hubo inuu aqbali doono inuu halmar lumiyo wasiirnimadiisa iyo xildhibanimadiisa si uu u noqdo duqa magaalada.

Dadka shaqsiyadiisa yaqaanna waxey sheegaan inuu yahay siyaasi nabadoon ah oo Farmaajo iyo Kheyre ka xigsan kara culeyska beesha Mudullood.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this