Dalmar1 Posted August 31, 2018 This article was made during President HSM era, how true it was then and how true it is now" Ila Tali Walaal - Sida ku Qoran Qoralkani [Halkaan ka Aqriso] waa marag ma doonoto in talada Kismayo ka go'in koox ama cid qudha, isla markaana muhim tahay in Jerusalam nabad lagu wado noolado, Kismayo iyo Kistaada" Hirsi Morgan, Bare Hiirale, Isbahaysigii Dooxada Jubooyinka ayaa horey ugu hungoobey Kismayo, Ahmed Madoobe Raaskambooni Boys & KFD darsi u ahaato, Nasib wanaag Prof Gandi, Farah Dawara, Yusuf Hagi & kooxda Nairobi ee Kismayo for Sale isku jiibaya, waxay hilmameen dadweynaha ogyahay riyadii ONLF? Kilalka 5aad Adis Ababa looga taliyo maanta? Lakin Kismayo ka mid tahay Somalia oo Muqdisho looga taliyo. Umuda Somaliyeed ee ku nool Jubooyinka (***) waxaa dan u ah inay taageeraan xalka dowalada, shir dibadaha lagu soo maleegay oo aan loo dhameen miro ma dhalo, Qurbo joogtana ka waantoowdo buumbunista xiisado aan jirin. Beesha *** waa in ay fursad siyaan R/wasaare Shirdoon oo Nin karti & sharaf leh ah, qaasatan beeshiisa oo qilaafka jubooyinka qayb ka ah 30kii sano danbe, Somali uma fadhin doonto khilaaf aan dhaman. Arintan waxay keeni kartaa in dowlada Shirdoon kalsoonida lagala noqdo, hadii ay taa dhacdana, Prime Minster Dir ama Digil ka soo jeedo la helo, oo xalka Somalia ee Kofur/Waqooyi kartideeda leh. Waxaa xusid mudan shirka London ee May 2013 priority tahay North/South issue, Juboyinka ku jirin agendaha. Aqri article lagu soo Qoray Hiiran Online "Jubaland, why the rush?" Dowalada Somalia waxan kula talin inay qabojiso mowjadaha colaada oo tixgeliso: 1. In Ciidamda Kenya laga saaro Kismayo sida kuwii Ethiopia looga saaray Muyqdisho 2008 2. In Ciidamda AMISOM Uganda/Siralion lagu badalo kuwa Kenya, maadama ay netural ka yihin arimaha somalia. 3. In complain loo diro EU/dowalada Norway, barista shidalka badaha Somalia iyo tagerada koox Nairobi jogta joojiyo 4. In dowalada Kenya oo dekad calami Lamu ka wado, u arkin dekeda Kismayo mid suuqyada ku ciririsa, madaama Dubia Port qorsheynayso sidii loo casriyeen lahaa dekadaha Berbera, Bosaso, Muqdisho & Kismayo 5. In dowalada sameyso mashruuc dhaqaale oo qeyraadka Kismayo lagu maalgeliyo (beraha, xoolaha, kaluaysiga) 5. In dowalada qorsheyso qaabkii qaxootiga Kenya lagu soo dejiyo jubooyinka, mashruuc caalami oo millions $ ku baxa 6. In dowalada hesho kalsoonida ganacsatada Kenya degan oo dalkooda soo maalgeliyaan Kismayo, incentive la siiyo 7. In dowalda danjire qibrad & aqoon leh u soo magacowda Nairobi, Danjire Ali America intu xilka hayey Kenya waxay ku xudgudbtay Somalia oo idil, wax qabadkiisana aad loo dhaliilay, (codsi loo diray MOFA Ms. Fowsiya) la sugayo xil ka qadis 8. Doorashooyinka Kenya wax weyn ayey ka badeli doona xidhiidhka labada dowaladood ee Kenya iyo Somalia Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dalmar1 Posted August 31, 2018 Kismaayo HAG, D-block, iyo Dirs Yaa Dadka Deegaanka Ah? - Aragtida: Abdi Osman Afeef: » Maqaalkan ujeedadiisu waa in wax la toosiyo oo wixii Soomaali halaagay (eex) laga koro » Inkasta oo Maqaalka lagu xusay Magacyo Qabiilada qaarkood haddana ma jirto qabiil la aflagaadeynayo ee ujeeddadu waxa weeye in qabiil walba xaqiisa la caddeeyo. » Maqaalkan qaybtiisa hore waa xisaabtan ka dhexeeye 2da beelood ee *** Clan iyo *** cidda Kismaayo xaqa u leh ee kama hadlayo 3da beelood ee kale ee iyaguna xaqa u leh Kismaayo. Waxaa beryahan dhegaha Soomaalida wareeriyey arrinta maamul u sameynta Jubbooyinka taasoo ay hormuud ka ahayd beesha *** doodo bandanna laga qabtay, dadkii daawaday doodaha ama akhristay website-yada waxa si weyn uga muuqatay doodahaasi in beesha *** ay caro weyn muujineyso mar alle markii ay qabaa’ilka kale ka hadlaan Kismayo gaar ahaan beesha HAG Clan oo ay marar badan ku tilmaameen beel boob iyo dhul ballaarsi wadato oo Magaalo (Kismaayo) uu *** leeyahay usoo hanqal taagaysa. Ogow beesha *** Clan uma diidana inay Beesha *** qayb libaax Kismaayo ka helaan ama talo ku yeeshaan ee beesha *** ayaa beesha HAG Clan u diiddan inay qayb libaax ku yeelato Kismaayo. Maadaama hadda lakala saarayo HAG Clan iyo *** cidda deegaanka u ah Kismaayo waxaa garsoore ah 3da beelood ee ah beesha 5aad, *** iyo beesha ***. Haddii maqaalkan waxa ku qoran ay igu raacaan 3da qabiil ee garsooraha ah (qof walbow adiga weydii 3daas beelood in waxa meesha ku qoran sax yihiin iyo in kale) waxaa soo bixi doonta in *** yahay hasha geela cunta ee cabaadda (isagoo gar daran uu dhib tirsansanayo), haddii ay igu khilaafaanna waxaa idiin caddaan toonta in Mogadishu Clan uu dulmi wado (dhul boob wado). Maxaa igu dhaliyey maqaalkan? Inta la socota arrimaha jubbooyinka waxaa dhegahooda ka batay “DADKA DEEGAANKA (***) AH HADDII AY TASHANAYAAN MAXA KA GALAY INTA KALE (YACNI SOOMALIDA KALE)”, “DOWLADDA DASTUURKA AYEY KU TUMANAYSAA” “ARRIMAHA JUBBOOYINKA MAXAA KA GALAY XAMAR (YACNI HAG Clan)” “HELLO GAARISA, HELLO JIGJIGA, HELLO GAROWE (YACNI ALL *** ISU KAALAYA)” iwm. Waxaan arkay arrinti oo faraha ka sii baxaysa oo dowladdii iyo madaxweynihii dalka howlihii uu qaban lahaa ee ah in Soomaaliya ay dib caalamka ugu soo biirto looga mashquulinayo Kismayo, waxaan arkay siyaasiyiin PHD wata sida Dr. Cali Khalif Galaydh oo arrinta Kismayo ay kala weynaatay arrintii Khaatumo oo madaxweynaha ka eedeynayo telefishanada, waxan arkay in xiisado iyo dhiillo 20 sano ka hor dhexmaray 2da beelood ee walaalaha ah dib loo gocanayo, waxan arkay in jaaliyadihii didadda lagu kicinayo waa laydin dhacayaaye mudaaharaada, waxaa waajib noqotay marka, bal horta inta qalin iyo buug la qaato la isu deegaan (tuulo) tirsado si ay usoo baxdo cidda deegaanka ah. Dadka deegaanka ee magaalo daggan waa kuwee? Marar badan ayaa lagu dooday dadka deegaanka ayaa maamul sameysanaya haddaba dadka deegaanka ah ma dadka magaalada daggan ee saraha ku leh ayaa ah mise dadka dhulka baadiyaha ah ku xeeran daggan ayaa deegaan ah? Waxan muran ka taagneen in qofka baadiyaha daggan ama ha daganaado magaalada ama yuusan dagganaanine uu yahay qofka deegaanka dhabta ah, laakiin qof kasta oo magaalo daggan uusan magaaladaas deegaan u ahayn, tusaale Nairobi waa deegaan Kikuyo iyo Masaay laakiin qabaa’ilka Kenya oo dhan ayaa daggan, Soomaalida daggan Islii-na lagu tilmaami Karo inay yihiin dadka degaanka u ah Nairobi, waxaa marka lama huraan ah inaan bal si dhab ah u eegno dhulka baadiyaha ah ee ku xeeran magaalada Kismaayo oo aan tirinno tuulooyinka ay leeyihiin HAG Clan iyo ***. Tuulooyinka HAG Clan Tuulooyinka Gaaljecel (HAG Clan) ee Jubbada Hoose ee ama kaligiis uu leeyahay ama qayb libaax ka yihiin waa kuwan: 1- Baarka, 2- Koban, 3-Kamsuuma, 4-Sanguuni, 5-Yoontooy, 6-Buulo Guduud, 7-Ganjaroon, 8-Kubbakibir, 9-Jannaay cabdalle, 10- Sacmoojo, 11-Galool yar yar, 12-Canjeel 13-Buurgaabo, 14-Raaskaambooni (degmo), 15-Ooddow, 16-Manaraani, 17- Ilig, 18-Warfele , 19-Leheleey, 20-Beerxaani (degmo), 21-Geles, 22-Gumbis, 23-Dhexmar, 24-Kudhaa, 25-Istanbuul, 26- Unguuni. Tuulooyinkaas oo dhan marka laga reebo 5ta tuulo ee ugu horreysa oo hoos taga degmada Jamaame iyo Raaskaambooni, 20-ka kale waxay hoos tagaan (laga xukumaa) Kismaayo Cawr-Male(Gaaljecel iyo Dagoodiye ayuu la dhashay) tuulooyinkiisa waxay kala yihiin: 1-Cabdalla Biroole, 2-Buulo Xaaji iyo 3-Cusbo, dhammaan waxaa laga xukumaa Kismaayo Shiikhaal (HAG Clan) tuulooyinkooda Kismaayo hoos taga (laga xukumo) waa 1-Hoosingoow (degmo), 2- Dhasheeg Waamo, 3- Baqdaad *** iyo *** (HAG Clan) (dad badan ayey filan waa ku noqon dootaa in *** ay dagaan Jubbada Hoose) waxay dagaan tuulooyinka 1- Turdho, 2- Naftaahuur. Dhammaan Tuulooyinka HAG Clan waa 34 tuulo (inta aan ogahay), 8 ma ogiye inta kale waxay hoostagaan Kismaayo Tuulooyinka *** Sida ay reer Waamo og yihiin ma jirto hal tuulo oo uu *** kaligii daggan yahay oo hoos tagta Kismaayo (soo baara walaalayaalow), ogaadeen ninka ugu sokeeya Kismaayo ee baadiyaha daggan wuxuu daggan yahay soona Afmadow oo 120km Kismaayo u jirta, tuulooyinkiisana halkan ayaan ku caddaynayaa Absame (***) tuulooyinkiisa jubbdada hoose waa kuwan: 1-Kulbiyow, 2-Badhaadhe, 3-diif, 4-Taabto, 5- Dhoobley, 6- Afmadow, 7- Xagar, 8-Bibi, 9-Qooqaani, Dhammaan waa 9 tuulo laakiin mid hoos timaadda oo laga xukumo magaalada Kismaayo kuma jirto, Sababtoo ah 2 ka mid ah ayuu Maxamed Siyaad Barre u magacaabay degmo waxayna kala yihiin: Afmadow iyo Badhaadhe marka 7da kale 2daas ayey hoostagaan Majeerteen (***) isagu magaalada Kismaayo ayuu daggan yahay tuulo uu gooni u deggan yahayna kuma taallo Jubbada Hoose, in yar oo kaluumaysato ayaa la deggan Axmed Adan oo Galljecel ah tuulooyinka Kudhaa iyo Istanbuul, kuwa yar oo lo’ gatay si ay deegaan u noqdaanna ayaa Cawr-male Buulo Xaaji la daggan, qabaa’ilka kale ee *** magaalada Kismaayo un bay deggan yihiin ee baadiyaha ma deggana. Ogow 7 tuulo ayuu HAG Clan ku leeyahay Jamaame (caasimaddii Jubbada hoose xilligii talyaaniga), *** isagu Jamaame tuulo kamaba daggana, haddii xaalku sidaas yahay, yaa Kismaayo deegaan u ah HAG Clan iyo ***? Dadka *** ah ee ilaa iyo 1992 xerada IFFO dagganse xaggey kaxoo qaxeen? Uruka SAHAL Qolyahan magaca qabiilka kula baxay SAHAL ee London jooga ee ku dooda Kismaayo waa magaalo ***, ee ku mudaaharaada madaxweynaha, ee ka hadla idaacadaha iyo telifishanada Soomaalida waxan ka codsanayaa inay keenaan hal tuulo oo uu Absame (Ogaadeen iyo adeerkiis) leeyahay ama Majeerteen leeyahay oo laga xukumo Kismayo illeyn waxa la isku haysto waa Kismayo e, iska sheegona waxba tari meyso e, OGOW LA ISKUMA HAYO IN *** MAGAALADA KISMAAYO WAX KA DAGGAN YAHAY EE WAXAAN KA HADLAYAA TUULO KISMAAYO HOOS TAGTA. Haddii aadan keeni Karin hal Tuulo oo ay SAHAL leedahay oo laga xukumo Kismaayo, haddaba magaalo ma lagu milkiyaa gudaheeda ayaan dagganahay dadka deegaanka ah ee aad sheegtaanse sidey degaan Kismaayo ku noqdeen haddaysanba hal tuulo ku lahayn Kismaayo? haddiise HAG Clan uu 28 tuulo oo Kismaayo laga xukumo leeyahay maxay SAHAL u aflagaadeynayaan nabadoon Maxamed Xasan Xaad (Odayaasha HAG Clan)- oo qabiilkiisa (HAG Clan) wax ka dagaan Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe- haddii uu yiri waa in si caddaalad ah arrimaha Jubbooyinka loo qaybiyaa? Maxaase u diidaya in Mogadishu Clan in qayb libaax uu ka qaato talada Kismaayo,Yaase dulmiga wado? Ururkan SAHAL dadka ku jira qof Kismaayo ku dhashay kuma jiro ama waa ku yar yahay, waxay inta badan ka yimaadeen Killil 5 iyo Puntland, waxay maqleen dhulka jubbooyinka ayey beeshiinu dagtaa mana is weydiinin yaa la daggan, waxa hal ku dhig u ah labo erey; labadaas erey mid waxa weeye“ LABO GOBOL IYO WIXII KA BADAN HADDII AY IS RAACAAN DASTUURKA AYAA OGGOL, MADAXWEYNAHA DASTUURKA AYUU KHILAAFAYAA” waa yahaye haddii anigoo HAG Clan ah oo deegaan ka ah iyo qabaa’ilka kale ee iyaguna deegaanka ah aan isku darsanno JUBBADA HOOSE, JUBBADA DHEXE IYO SHABEELADA HOOSE Dastuurku muxuu ka qabaa, ma diidayaa ayey kula tahay? Haddiise *** iyo qabaa’ilka kale ee deegaanka ay lix gobol sameeyaan, Dastuurku ma u diidayaa? Haddiise 3 maamul goboleed oo kala duwan oo qolo walba Dastuurku u oggol yahay aan hal aag ka wada dhisno sow dagaal sokeeye oo kale ma aha? Soomaaliyey ma garateen in SAHAL iyo inta ku fikir ahba aysan meesha waxba ku hayn? Halkudhiggode kale ee ay madaxweynaha ku duraan waxaa weeye inuu yiri “ BAYDHABO IYO BELEDWEYNE ISKU TASHADA (MAAMUL GOBOLEED) KISMAAYONA MA TASHAN KARTO!” horta aniga madaxweynaha afhayeen uma ihi oo isaga ayaa is difaacaya laakiin madaxweynaha ereyadaas sidaas uma dhihin, laakiin markii uu labadaas magaalo tegay dadkii wuxuu ku yiri heshiiya oo tashada, sababtoo ah Baydhabo waa magaalada 3aad, B/weynena waa magaalada 4aad ee ugu khilaafka iyo dagaalka badan Soomaaliya marka laga reebo Xamar iyo Kismaayo oo 1aad iyo 2aad ah, madaxweynaha kama hadleynin dowlad goboleed oo ma dhihin B/weyne iyo Jowhar ha dhisteen maamul goboleed, Baydhabo iyo Xudurna ha dhisteen maamul goboleed, ee waxay ahayd is khilaafka iyo dagaallada qabaa’ilka dhexdiinna joojiya, ladaas magaalona dhexdooda way heshiin waayeen sidaas ayey dowladda Federaalka guddoomiye gobol ugu magacawday mid walba(B/weyne iyo Baydhabo), haddii uu madaxweynuhu Kismaayo tago sidaas un buu u dhihi lahaa “war reer Kismaayow heshiiya oo tashada”, haddii marka khilaafkii reer kismaayo uu taagan yahay maxaa u diidaya in dowladda federaalku soo faro geliso oo guddoomiye gobol u magacowdo sida B/weyne iyo Baydhabo? Tan kale madaxweynaha qabiilka hoose ee uu ka dhashay ee *** hal tuulo kama dagaan Hiiraan iyo Bay midna laakiin waxay dagaan Jubbada Hoose oo tuulooyinka Turdho iyo Naftaahuur iyo aagga Jamaame ayey deggan yhiin, marka meel ay Jufadiisa hoose waxba ka dagganeyn (B/weyne iyo Baydhab) muxuu uga hiilinayaa meel ay reer kiisa deggan yahiin oo ah Jubbada Hoose? Soomaaliyey ma garateen qodobka 2aad ee ay SAHAL iyo inta ku fikirka ah ku doodaan inuu yahay hal bacaad lagu lisay? Ururka Raaskaambooni (taariikh) Ururka Raaskaambooni wauxuu ka mid ahaa ururkii Al-Itixaad ee Luuq ay Itoobiya ku jebisay 90-aadkii, ururkii Al-Itixaad markuu jabay wixii reer Xamar ahaa Xamar ayey iska xaadiriyeen, wixii reer Puntland ahaana deegaankoodii ayey aadeen, waxii reer Gedo ahaan gobolka gedo ayey ku dhex milmeen, wixii ka soo jeeday Killilka 5aad- maadaama aysan aadi karin deegaankoodi- waxay isku soo shubeen Dhoobley oo dad reer Waamo ah oo ay heyb qabiil wadaagaan ay joogeen, ka bacdi Kenya ayaa ka war heshay oo u hanjabtay, ka dib waxay u hayaameen Raaskaambooni oo Gaaljecel iyo Baajuun dagganaayeen (warkan qof walbow xaqiiji) waxayna u sheegeen inay yihiin niman wadaaddo ah oo Itoobiya ay gumaadeyso, waa la soo dhaweeyey (Somalida way is ka jeceshahay dadka diinbaa wadnaa dhaho, reer Raaskaanboonina wey ku sirmeen ururka Xasan Turki sida ay hadda qabaa’il badan ugu sirmeen Al-Shabaab)sidaas ayey ururka Xasan Turki badda madow (dhulka jiqda ah) ku galeen magaca Raaskaamboonina ugu beddesheen magacii Al-itixaad, waqtiganna waa kuwaas Jubbooyinka ayaan deegaan u nahay dhahaya oo xitaa jufooyinkii ay ka soo jeedeen ee reer Waamo ayey afduub ku haystaan qabaa’ilka kale iska dhaafe. Hadda Maxaa ka socda jubbooyinka Horey waxaan ku soo sheegay in 9-kii tuulo ee Absame 2 ka mid ah (Afmadow iyo Badhaadhe) Siyaad Barre uu degmo uga dhigay, taasina ay tahay eexdii ay dowladdii Maxamed Siyaad gashay waayo 34 tuulo oo uu HAG Clan ka daggan yahay Jubbada hoose sidee mid degmo u qalanta looga waayey oo 9 tuulo oo uu *** dego 2 degmo looga helay, ma fahamtay sheekada? Shiikh shariif ayaa fahmay caddaalad darrada markaasuu 3 degmo oo kala ah 1-Beerxaani 2- Raaskaambooni iyo 3-Hoosingow degmooyin u magacaabay intii uusan shaqada ka tagin, hase yeeshee C/weli Gaas oo bil ka hor Bacaadweyn (Gaalkacyo) oo ay reerkiisu degaan degmo u magacaabay ayaa wuxuu ku doodayaa baarlamaanka iyo golaha wasiiradaba aysan ansixin degmooyinka uu Sh. Shariif magacaabay, waa su’aale ma kuwii siyaad barre magacaabay ayey baarlamaan iyo gole wasiirraba ansixiyeen? Shirka maamul u sameynta Jubbooyinka ee la rabo in Kismaayo lagu dhoodhoobo waxa la yiri waxa wax lagu qaybsanayaa hab degmo taasoo degmadiiba ay qaadaneyso 27 xubnood, Absame -kaaga darane - tuuladii Xagar ahayd ayey degmo ka dhigteen iyadoo aan la ogeyn meel lagu magacaabay iyo cidda magacawday sidaasi ayey Jubbada Hoose oo kaliya ka filayaan inay ka helaan 81 xubnood oo ah 3 degmo oo min 27 xubnood ah oo waliba lagu sii daray wixii Kismaayo kaga soo aado, qiyaastii waa tiro 100 kor u dhaafaysa ogow waa 9-koodii tuulo! Majeerteen kismaayo kaliya ayuu 100 ergo ka helayaa asagoon hal tuulo ku lahayn deegaanka. HAG Clan maxaa soo aadaya? 34-tiisii tuulo weli waa tuulooyin, sida ay SAHAL u leedahay *** ayaa majority ka ah Jubbada Hoose waxa weeye 3 degmo (Afmadow, Badhaadhe- kuwii Maxamed Siyaad iyo Xagar- Jeebkeenna) ayaa 9-kii tuulo ee *** ka soo baxday Hawiyana hal degmo kuma laha (xataa kuwii Sh. Shariif) war bal adduunyadaan eega! Haddaba wararkii Kismayo laga helay 21/2/2013 waxay sheegeen in qolyaha magaalada haysta ay soo jeediyeen in dadka loo qaybiyo *** iyo inta kale (ashaamud) lana qaybsado 500 xubnood oo ah ergada shirka ka qaybgeleysa, waxaana loo qoondeeyey waxan *** ahayn oo ah HAG Clan, ***, Beesha 5aad iyo *** in la siiyo 113 xubnood oo ergada shirka ka tirsan, halka inta kale *** la siiyey! Qolyaha meesha haysta waxay leeyihiin waryaaya (HAG Clan, *** *** iyo Besha 5aad) qaata waxan annagu idiin qooneeyney, haddaad diidaane ciidanka Kenyatiga ayaan idinkugu yeereynaa fartaad taqaanaan akhriya, Akhyaarey, haddii uu warkaasi sax yahay, Jubbooyinka xal ma ka soo socdaa? Haddaba HAG Clan iyo qabaa’ilka kale siday rabaan in wax loo dhiso? HAG Clan iyo inta ku fekerka ah waxay rabaan in maamulka Jubbaland loo dhiso sidii Puntland iyo Somaliland loo dhisay. Waxan ognahay markii 2dan maamul la dhisayey, in deegaanada ay xukumayaan oo dhan ay xor ahaayeen oo ay ergadu uga imaan kartay siday doonto, ka ololeyn kartay, qabaa’illada talada isku darsadayna ay wada sinnaayeen oo uusan jirin qabiil ay dowlad kale hubaynayso oo u yeerinayo qabaa’ilada kale saamigooda, ka bacdina guurtidii ayaa isu timid si xalaal ah ayena maalin cad wax qaybsadeen iyadoo ay Kenya iyo Itoobiya faro gelinin, iyagoon caasimadahooda ku soo shirin sidaas ayey ahayd sidii Puntland iyo Somaliland lagu soo dhisay, Maxay inta badan Beesha *** ee aan walaalaha nahay ku diiddan tahay in maamulka Jubbaland loo dhiso sidii Puntland iyo Somaliland lagu soo dhisay? Maxay caasimadaha dowladaha deriska ah ugu shirayaan oo ay caasimaadda federaalka ah ee Sommaliya u diidan yihiin inay talada ku goostaan? Maxaa lala cararayaa? Maxay ugu qarwayaan IGADD oo ay qaranimada iyo madaxbannaanida Soomaliya ee dastuurka ku qoran u qilaafayaan? Sow timir laf kuma jirto? Maxay Puntland uga duwan tahay Jubbooyinka? Puntland waxaa daga hal qabiil oo la dhaho HARTI ***, markii la dhisayey arrintaas ayaa xisaabta lagu daray oo waad aragtaan in gobolka Mudug qaybo ka mid ah sida Hobyo, Xarar-dheere iyo koonfurta Gaalkacyo iyo tuulooyinka hoos taga midna kama tirsana Puntland, maxay sidaas u yeeleen? Waxaa u soo baxday dadkii Puntland dhisayey in magaalooyin iyo tuulooyin uu HAG Clan daggan yahan aysan xukumi Karin haddii aan wax la isku darsanin marka hore, sidaasoo kale haddii Faarax Macallin uu leeyahay Kulbiyow Xamar lagama xukumayo *** ay leeyihiin dhulkeenna Jubbooyinka Xamar ayuu hoostagayaa, dhulkiina aan si sahlan loo kala jari Karin sida Mudug sow dagaal sokeeye oo kale ma aha? Sow dowladda ma aha inay arrinta soo dhexgasho oo ay ka hortagto? Maxaa dowladda looga cararayaa? Dastuurka yaa Khilaafaya madaxweynaha iyo kooxda u ololeysa Jubbaland? Dastuuska Soomaaliya QODOBKIISA KOOWAAD wuxu qorayaa Somaliya inay tahay QARAN MADAX BANNAAN oo taladeeda iyadu leh, haddaba qaran madax bannaan dalal kale maamul ma ka sameeyaan gudihiisa iyada uusan qaranku raalli ka ahayn ? Sow Dastuur ku tumasho ma aha? Qolyaha dhahaya Kenya iyo Itoobiya ayaa xaq u leh maamulka Jubbooyinka taladiisa inay wax ka gooyaan (Axmed Madoobe ayaa 28/02/2013 sheegay in IGADD ay shirka hal sano soo wadday!) iyo qolada diiddan sida (madaxweynaha) yaa dastuurka ku xadgudbaya? Faarax Macallin-se ma ku dhacaa inuu dhaho Liboy Kenya Nairobi lagama xukummayo? Ma Gaarisa ayaa laga soo magacaabay ragga ,Immigration-ka Liboy? Tan kale madaxweynaha mas’uuliyad ayaa ka saran dalka in aan dib danbe loo dagaallamin oo qabaa’ilku heshiiyaan, sida gobolada la isu raacinayo sow ma aha arrin keeni karta dagaal sokeeye? Haddii uu Axmed Maddobe maamul uu hadda Kismaayo ka dhiso oo uu dhaho ciidamada Kenya way sii joogayaan oo maamulka “deegaanka” ayaa rabo oo ay dowladda Soomaaliyana amarto in ciidanka Kenya lagu beddelo ciidan kale amaba ay Soomaaliya ka baxaan sow shiddo kale ma aha? Yaa damaanad qaadaya dadkii wafdigii dowladda federaalka ah soo celiyey Kismaayo inay dhahaan Kenya way sii joogeysaa sow waxa ay Kenya doonayso ma aha? Madaxweynaha, Ra’isul wasaaraha iyo Ra’isul baarlamaanka waa inaysan arrimaas aan kor ku soo sheegay fududeysan, maadaama ay yihiin rag aqoon yahan ah (Jubbooyinka aniga aragtidayda intay KENYA joogta maamul lagama dhisi karo). Soomaalida ha is cafiso ilaaheyna ha ka baqdo oo waddanka yaan qas kale la gelinin gaar ahaan dadka lacagta ceyrta ah ka qaata Yurub iyo Kanada dhulkiinna ha gubina. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dahireeto Posted August 31, 2018 Kismayo is over rated. You can build any city along that long coast of ours and call it yours. Why are people stressed over a crumbling, dirty old town. We need a mentality shift. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dalmar1 Posted August 31, 2018 15 minutes ago, Dahireeto said: Kismayo is over rated. You can build any city along that long coast of ours and call it yours. Why are people stressed over a crumbling, dirty old town. We need a mentality shift. Its not Kismayo but the kenyan project called Jubaland that made the people in that region resentful, its the idea that 1 clan militia group called Raas kamboni can hold a region hostage under an foreign Kenya gun, Jubaland is an Kenyan project spear headed hastily in 2013 by a minority clan that has no say in the region as a whole that it claims to hold!.....this quote below from Prof Hassan E.Ali sums up the Jubaland fiasco problem, ''The issue of Jubaland is one of the many causes that instigated the civil war in Somalia; its consequence has devastated every Somali family.'' Jubaland will forever be a failed region so long the people that live there a fairly and rightfully represented, because Jubaland is not DDSI and Ahmed Madobe is not Dictator Abdi in Iley. Jubaland is a diverse mixed clan, and no clan holds a majority ground. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dalmar1 Posted August 31, 2018 https://www.hiiraan.com/op4/2013/mar/28341/jubaland_why_the_rush.aspx Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dalmar1 Posted August 31, 2018 https://www.hiiraan.com/op4/2013/mar/28341/jubaland_why_the_rush.aspx Quote Share this post Link to post Share on other sites
Che -Guevara Posted August 31, 2018 lol@Keydmedia Quote Share this post Link to post Share on other sites
Samafal Posted August 31, 2018 Dalmar oohinta orgiga ka wayn. Sxb meel lagu heshiiyey inaad boor ka kiciso waxaan umalaynayaa waa uun fowdo doon ( seeking anarchy). Ahmed Madoobe waa shakhsi waa dhiman karaa waa laga qaadi karaa xukunka laakiin habar u wacasho iyo qabiil dadkii u egyihiin inay ka tageen waxaad usoo kicinayso walle waa shar doonimo. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dalmar1 Posted August 31, 2018 1 hour ago, Samafal said: Dalmar oohinta orgiga ka wayn. Sxb meel lagu heshiiyey inaad boor ka kiciso waxaan umalaynayaa waa uun fowdo doon ( seeking anarchy). Ahmed Madoobe waa shakhsi waa dhiman karaa waa laga qaadi karaa xukunka laakiin habar u wacasho iyo qabiil dadkii u egyihiin inay ka tageen waxaad usoo kicinayso walle waa shar doonimo. What heshiish are you talking about, if you mean the one madobe did under Kenyan's hired guns, anyway warya when it comes to Jubaland nothing is set in stones, you came on Kenyans tank and you shall leave with the kenyans tank, only then will the real people of those regions set their own maamul. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Samafal Posted August 31, 2018 Adigu doolalo waynidaa, marka hore go and reconcile the one and half region called Galmudug. You can't make peace with in one clan called Hgidir, you want to talk about Kismaayo. Today Harardheere, Ceelbuur and Ceeldheer are in the hands of Alshabab, and these suppose to be part of the one half region that you call Galmudug. There is constant infighting between the supposed heads of that region and restless subclan disagreement over petty stuff. You don't have track record of building anything except causing mayhem and anarchy soyou have no way to dictate who does what in Jubaland. The people over there will sort their differerences and choose their leaders for whom they want. You have no business to interfere while you can not create anything in your own backyard. All these huffing and buffing because you can not get premier position. I told you sxb you have trust issue. No region in Somalia trusts any one from your subclan for the Somalia position. Marka ordaya meelahaas ka qayqaliya wax kaloo aad samaynkartaan majidho. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Che -Guevara Posted August 31, 2018 Dalmar, A lot of these problems can be solved if H-Block actually help in reviving the Somali State ( I am not talking about Farmaajo government). H-block have undermined every government since Abdiqasim. They need stop supporting Al-shabaab, come down the business cartel and help in securing Mogadishu. 1 Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dalmar1 Posted August 31, 2018 50 minutes ago, Samafal said: Adigu doolalo waynidaa, marka hore go and reconcile the one and half region called Galmudug. You can't make peace with in one clan called Hgidir, you want to talk about Kismaayo. Today Harardheere, Ceelbuur and Ceeldheer are in the hands of Alshabab, and these suppose to be part of the one half region that you call Galmudug. There is constant infighting between the supposed heads of that region and restless subclan disagreement over petty stuff. You don't have track record of building anything except causing mayhem and anarchy soyou have no way to dictate who does what in Jubaland. The people over there will sort their differerences and choose their leaders for whom they want. You have no business to interfere while you can not create anything in your own backyard. All these huffing and buffing because you can not get premier position. I told you sxb you have trust issue. No region in Somalia trusts any one from your subclan for the Somalia position. Marka ordaya meelahaas ka qayqaliya wax kaloo aad samaynkartaan majidho. Kulaha ''wax kaloo aad samaynkartaan majidho'' LOL, waryaa ciil u dhimo, Iljeex will thrive and thrive and there is nothing your hateful people can do about it! Insha'allah the way things are heading An Iljeex HG Messiah will be elected as President of Somalia in 2020 (you see, that we HG too believe in democracy and not violence that you paint us with) 39 minutes ago, Che -Guevara said: Dalmar, A lot of these problems can be solved if H-Block actually help in reviving the Somali State ( I am not talking about Farmaajo government). H-block have undermined every government since Abdiqasim. They need stop supporting Al-shabaab, come down the business cartel and help in securing Mogadishu. Che-Guevara, Somali state will be revived no doubt, but what we have today amongst the H-block is just an healthy opposition group a well known a stance granted to us by DEMOCRACY! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Haatu Posted August 31, 2018 Tolow yaabayee, Reer Waamaha ma tashan karaan miyaa? Why is it the only people masiirka Waamo ka talin karaan ay yihiin galti Afdheer ka imaaday oo aan la galti bixinin iyo mid Galgaduud barideed ka soo jeeda. Waryaada gobolkaayna faraha kala baxa. Reer Waamo way isgaranayaan, cidda leh iyo cidda martida eh way cad yihiin. As for Dalmar, taariikhda gobolka soo baro before you comment on yaa leh iyo yaa lahayn. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Haatu Posted August 31, 2018 14 minutes ago, Dalmar1 said: Speak to us once your Kenyan master leaves, until shut up! This says everything about where you stand in the debate. The Kenyans will go and the natives of the land will remain, kuwii Dhadhaab ku maqnaana way soo noqonayaan and you will have to live with the facts on the ground. Quote Share this post Link to post Share on other sites