Deeq A. Posted August 31, 2018 Guddiga wadaaga ah oo shiraya Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa yagleelay markii ugu horreysay taariikhda Guddi wadaag ah oo iskaashi ah si loogu saldhigo xiriir iskaashi oo sal adag, kaasi oo ku qotoma xushmad is dhaafsi, deris wanaag iyo ilaalinta iyo xushmeynta madax banaanida iyo midnimada si siman labada dalba. Labada dhinac ayaa ka wada hadlay arrimo la xiriira iskaashiga laba geesoodka ee dhinacyada ammaanka, dhaqaallaha, biyaha iyo qodobo kale oo la xiriira xaaladda gobolka iyo dunida,sida lagu sheegay War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Debadda Soomaaliya Dhismaha Guddiga Wadaagga ah ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah si loo dhaqaajiyo xiriirka laba geesoodka ee labada dal ee deriska ah si loo horumariyo, loona agaasimo qorshayaal horumarineed oo cusub oo faa’ido ugu jirto labada dal. PUNTLAND POST The post Muxuu yahay guddiga ay wadaagan Soomaaliya iyo Itoobiya? appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites