Deeq A. Posted August 31, 2018 Kooxda Al-Shabaab ayaa weerar culus ku qaaday Degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose oo Muqdisho dhanka koofur kaga jirta 30-KM. Dadka deegaankaasi oo la hadlay Warqabadka Warbaahinta Puntland Post ee Muqdisho ayaa waxa ay sheegaan in dagaal culus xalay saqdii dhexe halkaasi uu ka dhacay. Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa 3 Jiho ka soo weerartay degmadaasi Afgooye ee Gobolka Sh/hoose. ilaa iyo hadda si rasmi ah looma oga qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi xalay ka dhacay degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose. Maamulka Koonfur Galbeed ee gacanta ku haya degmadaasi wali kama hadlin dagaalkaasi iyo qasaaraha uu geeystay. Al-Shabaab ayaa dagaalo soo noqnoqday waxa ay ku qaadaan Degmada Afgooye ee Gobolka Sh/hoose. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Al-Shabaab oo weerartay Afgooye appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites