Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Diyaarad siday HUB nooca culus oo ka degtay Garoonka Aadan Cadde

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka helnay illo wareedyo dhanka amaanka ah ayaa sheegaya in diyaarad siday Hub ay ka degtay Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Illo wareedka aan xogtaani ka helnay oo ka tirsan Garoonka qeybta amniga ayaa sheegay in diyaarada Hubka keentay oo laga lahaa dalka Britain lagu magacaabo Royal Air.

Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM ee ka howlgala Garoonka Muqdisho ayaa inta ay diyaarada ku howlaneed dajinta isku gadaamay, iyadoo Hubka lagu raray Gaadiid waaweyn oo Garoonka qeybta AMISOM kusii diyaarsanaa.

Hubka laga dajiyay diyaarada ayaa isugu jira noocyada culus iyo kuwa fudud, waxa uuna Hubkaasi u socday AMISOM.

Diyaarad ayaa sidoo kale qeyb kamid ah Hubka u duulisay degaanka Bali-doogle ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasi oo ay degan yihiin ciidamada Mareykanka iyo kuwa Soomaalida oo garab ka helaaya AMISOM.

Ciidamada AMISOM oo bilihii ugu danbeysay ka cawanaayay taageero la’aan ayaa waxaa lagu wadaa in dhawaan ay duulan ku qaadan Saldhigyada Al-Shabaab ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Si kastaba ha ahaatee, Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa xiliyada habeenkii waxaa ka daga diyaarado aad u waaweyn kuwaa oo la tilmaamo inay saanad u wadaan ciidamada reer galbeedka iyo kuwa AMISOM ee jooga Somalia.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this