Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Milateriga oo qabtay xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab oo Ajaaniib ku jirto

Recommended Posts

Deeq A.   

Baardheere (Caasimadda Online) – Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in howlgal ka dhacay Gobolka Gedo ay ku qabteen xubno ka tirsan Alshabaab oo ay ku jiraan Ajaaniib.

Howlgalkan ayaa ka dhacay magaalada Baardheere, waxaana la sheegay inuu ahaa mid qorsheysan oo lagu soo qabtay koox Amniyaadka Alshabaab ah oo lagu eedeeyay inay dilal qorsheysan ka fuliyeen gudaha magaalada Baardheere iyo Shabakad qaraxyada diyaariya.

Taliyaha ururka 49-aad ee guutada 10Aad Xiddigle Faarax Maxamed Turbac ayaa Idaacada ciidamada Dowladda u sheegay in ragga ay ciidamada kusoo qabteen ay Al-shabaab u qaabilsanayeen Amniyaadka dilalka qorsheysan fuliya iyo shabakad qaraxyada Maleeyshiyada Al-shabaab u diyaarisa oo ka kooban Ajaanib iyo Soomaali, ayna gacanta ku dhigeen 10 xubnood oo ka tirsan maleyshiyada Al-shabaab

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Alshabaab iyo cid xaqiijisay sheegashadan iyadoo wararka idaacadda ciidamada ee xarunteedu tahay magaalada Muqdisho aan loo helin xaqiijin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this