Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo Video: JAWAARI oo qabtay shir jaraa’id oo uu arrimo badan uga hadlay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa markii ugu horeysay ka hadlay doorashada la filaayo in dhawaan ay ka dhacdo Koonfur Galbeed ee Somalia.

Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, oo shir Jaraa’id qabtay ayaa sheegay inay muhiim tahay in si wanaagsan loo wajaho doorashada maamulka iyo kuwa kale ee la filaayo in dhawaan ay dhacaan.

Jawaari, waxa uu sheegay in doorashooyinka dhacaya dhamaan maamul goboleedyada loo baahan yahay inay noqoto mid laga fiirsaday,isla markaana loo kala saaro in la helo qof dadkaasi samatabixin kara.

Waxa uu tilmaamay in Koonfur Galbeed laga doonaayo inay meesha ka saran tashwiishka ka jira arimaha doorashooyinka, waxa uuna aad usoo dhaweeyay diyaar garowga loogu jiro doorashada Koonfur Galbeed iyo kuwa maamulada kale.

Jawaari waxa uu sheegay in si gaara uu ula hadlaayo dadka kasoo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed, waxa uuna ugu baaqay inay gartaan maslaxadooda isla markaana si wada jira uga shaqeeyan Amniga, horumarka iyo dowlad wanaaga.

Jawaari, waxaana sidoo kale sheegay in dadka degan deegaanada maamulka Koonfur Galbeed laga doonaayo inay u howlgalaan arrimaha doorashooyinka si looga gudbo marxaladaha lagu jiro.

Waxa uu ku nuux-nuuxsaday inay mudan tahay in la doorto shaqsi waxtar u leh maamulka Koonfur Galbeed, isagoo sidoo kale sheegay haddii uu wanaagsan yahay madaxweynaha hadda haya mar kale la doorto.

Jawaari waxaa uu sheegay in Koonfur Galbeed ay u baahan tahay shaqsi wax badan ka qaban kara Arrimaha Ammaanka iyo Caddaaladda.

Sidoo kale Waxaa uu xusay in waxgaradka laga doonaayo in ay go’aamiyaan shaqsiga u qalma u hoggaaminta maamulka Koonfur Galbeed.

Sidoo kale, Jawaari ayaa shirkiisa Jaraa’id uga hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan doorashooyinka kale ee ka dhaca maamul Goboleedyada iyo arrimo kale.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this