Sign in to follow this  
Deeq A.

Wareysi: Taliye ku xigeenkii NISA ee xilka laga qaaday oo arrin xasaasi shaaciyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Jeneraal Cabdalla Cabdalle Maxamed oo horey u ahaan jiray taliye ku xigeenka hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA, xilkaasi oo dhowaan laga joojiyey markii dambena laga qaadaym ayaa ka hadlay arrimon badan oo hay’adda ka dhex jira.

Jeneraal Cabdalla Cabdalla Maxamed ayaa VOA u sheegay in illaa iyo haatan aanay u sheegin mas’uuliyiinta dawladda iyo kuwa hay’adda sababta shaqada looga qaaday.

Waxa uu sidoo kale shaaca ka qaaday in hay’adda NISA ay ku dhex milmeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab, taasna ay sabab u noqotay in kooxdan Shabaab ay hesho xog badan oo ku saabsan hay’adda iyo dhaqdhaqaaqyada ay waddo.

Wuxuu intaas ku daray in Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda laga wareejiyey hadafkii loo abuuray oo loo adeegsaday caburinta siyaasiyiinta iyo dano gaara, isagoo madaxda dowladda ku eedeeyay inay burburin ku wadaan hay’adda, iyadoo ciidamadii hubeysnaa ee NISA si habqan ah loogu wareejiyay ciidamada kale, sida uu yiri .

Waa markii ugu horeysay ee mas’uul sare oo NISA ka tirsan oo qirta in Alshabaab ay gacan ku yeesheen hay’adda sirdoonka dowladda, waxayna arrintan soo baxeysaa iyadoo guddoomiye ku xigeenka NISA loo magacaabay Fahad Yaasiin.

Hoos ka dhageyso wareysigiisa

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this