Sign in to follow this  
Deeq A.

R/W Kheyre oo ka xog waramay dhibta ay DFS u mareyso lacagta cusub

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in DFS ay dhibaatooyin kala duwan u mareyso sida ay kusoo saari laheyd lacagta cusub ee lagu bedeli lahaa tan duuga ah.

Ra’isul wasaare Kheyre waxa uu tilmaamay in dowlada Somalia oo kasoo kabaneysa dhibaatooyinka burburka aysan ku filnaan doonin bixinta dhamaan kharajka lagu sameynaayo lacagta cusub.

Mar uu kulan la qaatay xubno aad u daneeya arrimaha Somalia ayuu sheegay in DFS ay dhibaatooyin culeyskooda wata ay u mareyso lacagta cusub.

Waxa uu sheegay in lacag ku dhaw $42 Milyan ay ku baxeyso sameynta lacagtaas, isla markaana ay Beesha Caalamka ka doonayaan in ay ka gacan siiyaan fududeynta qarashka intaa la eg.

“Dowladu waxa ay ka baxeysaa dhibaatooyin sanado badan ka jiray dalka lacagta cusub waa inoo muhiim, hadana waxaan jirin dhaqaale ku filan oo lagu sameyn karo waa inaan helnaa garab muuqda”

Sidoo kale, Kheyre ayaa tilmaamay in soo saarida lacagaha cusub ay ku xiran tahay kaliya lacagaha loogu deeqayo si ay ugu dhaqaaqaan Sameynta ama Daabacaadda Lacagta Cusub.

Dhinaca kale, Kheyre ayaa cod dheer ku sheegay in DFS ay ka go’an tahay sameynta iyo howlgalinta lacagta cusub, hase yeeshee ay weli dhex dabaalaneyso duruufo adag.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this