Sign in to follow this  
Deeq A.

Ballan-qaadkii duqa cusub ee Garowe iyo waxa uu yahay

Recommended Posts

Deeq A.   
Axmed-Barre.jpg?resize=600%2C450&ssl=1Axmed Barre, duqa cusub ee Garowe

Maanta oo ay taariikhdu tahay 29 August 2018 waxaa duqa caasimada Puntland ee Garowe loo doortay Axmed Siciid Muuse  oo loo yaqaan (Axmed Barre), kadib markii uu  helay saddex meelood labo meel codadkii golaha deegaanka degmada.

Hadabada PUNTLAND POST waxa ay soo bandhigeysaa waxa uu yahay Axmed Barre iyo ballan-qaadyadii uu sameeyay xiligii uu ahaa musharaxa duqa  Garowe.

Waa kuma Axmed Barre?

Axmed Siciid Muuse (Axmed Barre) waxa uu 1968 ku dhashay magaalada Garowe ee xarunta gobolka Nugaal, 1972 ayaa loo kaxeeyay magaalada Muqdisho oo ku qaatay waxbarashadii asaasiga iyo tan heerka kowaad ee jaamacadda.

1991 markii dowladdii dhexe ee Soomaaliya buburtay Axmed Barre wuxuu dib ugu soo laabtay Puntland gaar ahaan magaalada Gorawe.

Waxbarashada

1972-1986 waxa uu waxbarashada hoose, dhexe iyo sare ku qaatay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

1987-1991 waxa uu heerka kowaad ee jaamacadda ka qaatay maareynta iyo ganacsiga jamamacadii ummada ee Muqdsho.

2009-2010 waxa uu aqoon kororsi dhinaca English-ka ah ka qaatay mac-hadka Kasturi ee ku yaalla magaalo madaxda dalka Malaysia ee Kuala Lumpur.

2011-2013 waxaa uu shahaadada heerka  labaad ee jaamacadda ka qaatay jaamacadda caalamiga ah ee Kampala, isagoo bartay maamulka dowlaiga ha.

Xirfadiisa shaqo

Axmed Siciid Muuse (Axmed Barre) waxa uu leeyahay waayo aragnimo shaqo oo dhinaca gacansiga iyo siyaasada ah.

1998 waxa uu kamid ahaa asaasayaashii shirkadda korantada Garowe ee NECSOM.

1999 waxa uu kamid ahaa asaasayaashii shirkadda biyaha iyo barafka AL-naciim oo xarunteeda ugu weyni ku taallo magaalada Garowe.

1999 -2005 waxa uu ahaa maamulihii guud ee bangigii iyo xawaaladii Dalsan xarunteedii Boosaaso.

2005-2014 waxa uu ahaa Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Puntland, dowladihii Cade Muuse iyo Cabdiraxmaan faroole.

2016 ilaa iyo maanta oo loo doortay duqa caasimda Puntland Axmed Barre waxa uu ahaa maamulihii bangiga Iftin qeybtiisa Garowe.

Axmed Siciid Muuse (Axmed Barre) waxa uu degan yahay walina ku sugan yahay dalka gudihiisa gaar ahaan magaalada Garowe.

Ballan-qaadkii Axmed Barre

Axmed Siciid Muuse (Axmed Barre) waxa uu ballan-qaaday markii uu sharaxnaa dhowr qadob oo u baahan in wax laga qabto, waxaana kamid ahaa

  • Adkeynta nabadgelyada oo uu ka dhigay qorshihiisa kowaad.
  • Badbaadada (safety), xeer u sameynta kaalimaha shidaalka magaalada si looga hortago dhibbaatooyinka dhasha gubashada iyo howl-galinta waaxda dabdemiska dowladda hoose.
  • Ilaalinta faya-dhowrka.
  • Xakameynta dhulka oo ah dhibaatada ugu badan ee keena khilaafka dhiigu ku daato.
  • Bilicda iyo dhireynta magaalada.
  • Hagaajinta iyo daryeel goobaha guud.
  • iyo arrimo kale.

Hadaba duqa cusub ee Garowe Axmed Barre waxa shacabku ka sugayaa ballan-qaadyadii uu sameeyay xiligii uu ahaa musharaxa.

PUNTLAND POST

The post Ballan-qaadkii duqa cusub ee Garowe iyo waxa uu yahay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this