Sign in to follow this  
Deeq A.

3 arrin oo Shariif Xasan u sahli kara inuu doorashada K/Galbeed ku guuleysto

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Shiekh Aadan wuxuu geed walba u fuulaya sidii uu ugu soo laaban lahaa xukunka maamulka Koofur Galbeed isagoo hardan badan kala kulmaya qaar ka mid ah siyaasiyiinta kasoo jeeda koofur Galbeed.

Shariif Xasan hadda waa siyaasiga ugu mugga weyn xubnaha kasoo jeeda Baay iyo Bakool, laakiin hadana sidaas oo ay tahay ma heysto taageerada shacabka deegaanka.

Bisha November ee sanadkaan Koofur Galbeed waxaa ka dhici doona doorashooyinkii madaxtinimo ee maamulkaas, Shariif Xasan wuxuu ku dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan inuu mar kale hogaamiyo Koofur Galbeed, hadaba waxaa soo bandhigeynaa saddex waxyaabood oo shariif xassan ka dhigeysa dadka ugu cad-cad doorashooyinka soo aadan.

1. Ciidamada Itoobiya: Baydhabo waxaa ku sugan ciidamo ka socda dowladda Itoobiya, waxey maamulaan Madaxtooyada iyo garoonka diyaaradaha, waxaa loo arkaa iney yahiin cudud xooggan oo halkaas joogta waxeyna saaxiib dhaw la yahiin madaxweyne Shariif Xasan, in laga adkaado waxaa ka horreysa in Itoobiya ay u baahan tahay inuu isbadal ka dhaco Koofur Galbeed, waxaana loo badinayaa iney rabaan inuu Shariif Xasan sii joogo.

2. Dhaqaalaha: Shariif Xasan waxaa lagu tilmaamaaa siyaasiga ugu dhaqaalaha iyo saaxiibada badan Koofur Galeed, hadii ay noqoto in codadka la iibsado Shariif Xasan waa qofka ugu badan ee awooda inuu lacag bixiyo.

3. Guddiga Doorashooyinka: Shariif Xasan wuxuu magacaabay guddiga doorashooyinka Koofur Galbeed kuwaas oo loo arko iney yahiin kuwo khaas u ah madaxweynaha, waxeyna u badan tahay iney u shaqeeyaan sida uu isaga rabo. Siyaasiyiinta kale ee Koofur Galbeed waa masuugsan yahiin guddigaan, waxaana loo badinayaa iney guddigaan ka shaqeyn doonaan sidii uu Shariif Xasan kusoo laaban lahaa.

Sadexdaan qodob oo aan la iska indho-tiri Karin waxey Shariif u sahli karaan inuu kusoo laabto xukunka.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhaba
Caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this