Deeq A. Posted August 29, 2018 Golaha cusub ee degaanka degmada Garoowe oo shalay la dhaariyay ayaa maanta doortay duqa caasimadda iyo ku xigeenkiisa. Doorashada duqa caasimadda Garoowe ayaa waxa ku tartamay laba musharrax oo kala ah; Axmed Abshir Jaamac(Bakuuke) iyo Axmed Siciid Muuse(Barre),waxaana ku guulaystay Axmed Barre oo helay 18-cod,halka musharraxa labaad ee Axmed Bakuuke helay 9-cod. Sidoo kale ku xigeenka duqa Garoowe ayaa waxaa ku tartamay,Cismaan Maxamuud Siciid oo helay 10-cod iyo Maxamed Cali Maxamed( Xamari) oo ku guulaystay 17-cod,sidaasna ku qoqday ku xigeenka duqa caasimadda Garoowe. Musharrixiinta laga guulaystay ayaa u hambalyeeyay duqa cusub ee caasimadda Garoowe iyo ku xigeenkiisa,waxaana ay ballan-qaadeen in ay si fiican ula shaqeyn doonaan,maadaama weli ay kamid yihiin xildhibaannada Golaha degaanka Garoowe. Dhinaca kale labada mas’uul ee ku guulaystay duqa iyo ku xigeenkiisa ayaa ballan-qaaday in ay wax badan ka qabanayan horumarinta caasimadda Garoowe,gaar ahaanna arrimaha amniga,khilaafka dhulka,iyo arrimaha bulshada. Xildhibaannada Golaha degaanka Garoowe ee duqa iyo ku xigeenkiisa doortay ayaa ka kooban 27 xubnood oo ay ku jiraan labada mas’uul ee la doortay. Halkaan ka daawo sida doorashadu u dhacday. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Sidee u dhacday doorashadii duqa Garoowe? appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites