Sign in to follow this  
Deeq A.

CC SHAKUUR oo si kale u rogay bixitaanka Amisom ee STADIUM MUQDISHO

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga mucaaradka ah Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook kaga hadlay booqashada Madaxweyne Farmaajo ee Garoonka Muqdisho iyo ka bixitaanka Amisom ee halkaas.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook ayuu CC Shakuur isku dayey inuu wax kama jiraan kasoo qaado bixitaanka Amisom ee garoonka inay ahmiyad leedahay, isaga oo taa beddeleeda dareenka dadka u weecinaya dagaalka dowladda ay kula jirto Al-Shabaab.

Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur, ayaa sheegaya in waqtigan ay ahayd in Al-Shabaab laga sarao dalka, balse aysan ahayn in loo dabaal dego in Amisom laga xoreeyey garoonka kubadda cagta Stadium Muqdisho.

Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur, ayaa qoraalkiisa ku yiri:

“Madaxweynaha maalmo ka dib markii uu xilka la wareegay wuxuu isagoo la shiraya saraakiisha sar sare ee AMISOM u sheegay in 2 sano gudahood dalka Alshabaab looga xorayn doono. Labadii sano bilo yar ayaa ka harsan, waxaase maanta loo dabaal degayaa in AMISOM Istaadiyow Muqdisho laga xoreeyey”

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ah ah mucaaradka uga weyn ee dowladda, ayaa caadiyan meel un dhaliilo uga raadiya xitaa haddii dowladdu ay qaado tallaabo dadka shacabka ay ku farxaan una arkaan guul, sida midda in Amisom ka baxday garoonka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this