Sign in to follow this  
Deeq A.

WAARE oo si degdeg ah ugu dhaqaaqaya fulinta HAL arrin ka hor inta uusan dhaqan galin MOOSHINKA

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (Caasimada Online)-Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka heleyno Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka maamulka Hir-Shabelle ayaa sheegaya in Hogaamiyaha maamulka Maxamed Cabdi Waare oo sameynaayo isku shaandheyn.

Xildhibaanada aan xogtani ka xiganay ayaa sheegaya in Hogaamiye Waare uu sameyn doono Isku shaandheyn degdeg ah si uu uga hortago Mooshinka laga wado.

Waxa ay tilmaameen in Isku shaandheynta uu wado Waare ay tahay mid uu isaga badbaadinayo Mooshin heerkiisa sareeyo oo ka socda magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.

Isku shaandheynta ayaa la sheegay inay tahay mid uu ku kala diraayo Xildhibaanada wada Mooshinkiisa oo horay uu uga baxay ballamo uu ka qaaday.

Seddex meelood laba meel iyo bar ayey Xildhibaanada sheegen in Waare uu Golaha Wasiirada u magacaabi doono Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka oo qeyb ka ah Mooshinka socda.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa socday olole ka dhan ah oo ay wadaan Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Hir-Shabeelle,kuwaas oo dhaliilsan Madaxweyne Waare qaarkoodna ay sheegayeen inay mooshin xilka qaadis ah ay ka geynayaan.

Si kastaba ha ahaatee, culeyska Siyaasadeed ee saaran Maxamed Cabdi Waare ayaa lagu wadaa inuu isaga yareeyo isku shaandheynta oo la xaqiijiyay inay dhaceyso maalmaha fooda nagu soo haya, waxaana lasoo warinayaa inay ka dhexmuuqdan Xildhibaano badan.

Caasimada Online

Xafiiska Jowhar

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this