Sign in to follow this  
Deeq A.

Isbedalka ka socda DDSI iyo sirta ku dahsoon iyo xariga Cabdi ILEY (Aqri)

Recommended Posts

Deeq A.   

Fallanqeyntaan kooban ayaa jeclahay inaan wax yar kaga iraahdo isbedallada siyaasadeed ee hareeyay dalka Itoobiya, gaar ahaanna arrinta Qawmiyada somaliada

Maxaa keenay in la xiro Cabdi Max’ed Cumar?

Sida ay faafisay wakaalada wararka ee Itoobiya ee FANA, xeer illaaliyaha guud ee Itoobiya ayaa sheegay in loo haysto dacwado la xiriira gabood falo ka dhan ah xuquuqda aadanaha iyo ku tagri fal awoodeed.

Lama oga caddeymaha xeer illaalinta ay maxkamadda horkeeni doonto, iyo goorta maxkamadda la hor geyn doono.

Sida ifafaalaha wax u socdaan laga kororsan karo waxaa weeye in Itoobiyada maanta ay heyso dhabbe colaado daba dheeraan karta ku waasoo ka dhaca gudaha dalkaasi. Waxaa soo muuqdey astaan cabsi leh. Marka aad daawato waxa ka socda magaalada Jigjiga

Taariikhda Itoobiya, marka dib loo raaco durba waxaa fahmi karaynaa in dagaal dhaca joojintiisa ay aad u adag tahay sababtoo ah colaadda qowmiyaddaha ma ahan wax si sahal ah lagu dhamayn karayo.

Dadyoowga qaar ayaa siyaabo kale duwan ku macneynaya arrinka siyaasadaysan kaasoo muujinata  arrinka Shidaalka.

Waxaana xusid mudan inuu jiro dagaal waqti dheer socday oo ka dhaxeeya qowmiyadaha Soomaalida iyo tan uu ka soo jeedo Raysal wasaaraha Itoobiya ee Oromada.

Waqtigani waxaa awooda Dawladda Faderaalka ah Qawmiyad ahaan xukunka Gacanta u galay Oromada waxay aaminsan yihiin in ay keensadaan dad la shaqeyn kara, isbedalka hadduu ku eg yahay Soomaali Galbeed waa mid uun la doonayay in meesha lagaga saaro MW hore Cabdi Maxamuud.

Su’aasha isweydiinta mudan waxaa weeye, xukuumadda Abiy Ahmed ma waxay ciqaabeysaa Cabdi Maxamuud Cumar kaliya mise dhammaan dadkii xukunka Tigreega iyo Amxaarada gaboodfallada ku geystay mise Tigreega waa laga baqayaa, oo hubka iyo dhaqaalaha ay ka gurteen Itoobiya ayaan lagu maagi karin haatan?

Haddii isbedalku  macnihiisu yahay sidii Oromada ay u keensan lahayd Soomaali daacad u ah, waxa dhacay lama oran karo isbeddal ee dadka ku nool Soomaali Galbeed waxay wajaheen xaalad ah

(KUD KA GUUR OO QANJA U GUUR)

Waa sababta Jigjiga Millateriga Itoobiya u weerareen iyadoo horay qowmiyadda Soomaalida ay u maqnayd xuquuqdooda oo la yiri shidaalka dhulkooda laga helay waxaad ka leedihiin 5% taasoo noqota amakaag.

Waxaan ka Danjire ahaan doonayaa inaan cabbiro xiisada  weli aan saldhigan ee siyaasadda cabsida leh  waxa ka imaan kara haddii aynaan joogsan. Khilaafka muuqda.

Dhowr caqabado oo xalkoodu berri adkaan karo  sida ay wax u socdaan marka laga eego waxaana weeye Qodobadan aan ka fikiray.

1-Colaadda qowmiyadaha oo cirka isku shareerta.

2- Dhaqaale xumo ka dhacda Soomaali Galbeed iyo guud ahaan Itoobiya.

3- Xasuuqii lagu hayay umadda Soomaaliyeed inuu xadka dhaafo.

4- In Dhul hor leh laga sal kiciyo Soomaalida iyadoo Oromo doonaysa dhul ballaarsi.

5- In kooxo diimeedyo hubeysan ay ka dillaacaan gudaha Itoobiya taasoo dhalinaysa amni darro wadanka oo dhan.

6- In la waayo qof u dooda xaqa Soomaalida kaga maqan xukuumadda Abiy.

7- Iyo in Soomaali Galbeed ay dad badan ka qaxaan arrintaasoo noqonayn tii ugu horreeysay balse nasiib darro kale ay tahay.

Waxaan wada og nahay Qawmiyadda saddexaad ee ugu badan wadanka Itoobiya inay tahay Soomaali, waxaana jirta cabsi badan oo laga qabo waana taas sababta xasuuqyo badan ay kaga dhaceen gudaha DDSI.Gaar ahaan dhulka u dhaxeeya dirdhabe iyo jigjiga.

Caqabadaha aan soo xusay waxaa lagaga hortagi karaa iyadoo Raysal wasaare Abiy Ahmed uu ka dhabbeeyo ballanqaadkiisa xuquuqda shaqsiga islamarkaana cadaalad ay wada helaan dhammaan qowmiyadaha Itoobiya ku nool.

Sababtu waxaa weeye haddaanan xal loo helin saameynta ka dhalan karta waxay soo gaaraysa gudaha Soomaaliya. oo ka abuuri kartaa colaad iyo Qax cusub.

Qore Danjire Hore Maxamed Maxamuud Nuur (Caalim), ah aqoonyahan iyo siyaasi darsa siyaasadda waddamada gobolkani Afrika, islamarkaana ku nool dalka Finland.

Email: Caalim68@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this