Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog-warran: 3 arrimood oo sabab u ah in xarunta Xalane ee MUQDISHO

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa amar lagu xiray dhamaan Albaabada laga galo Xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho markii laga soo tago hal albaab oo keliya.

Amarkani oo kasoo baxay taliska ciidamada AMISOM ayaa waxaa ugu weyn oo sabab looga dhigay amni darro iyo habacsanaan dhanka amaanka ah.

Taliska oo helay xogo Sirdoon ayaa la xaqiijiyay inuu qatay go’aanka lagu soo koobay Albaabada laga galo xarunta iyo kuwa laga baxo, waxaana lagu soo koobay hal albaab oo qura, sida aan wararkeena hore ku sheegnay.

Haddaba sababaha ugu weyn soo bixitaanka amarkaasi oo lagu soo koobay 3 arrin ayaa kala ah:-

1-Weeraro laga cabsi qabo in lagu qaado Xarunta kadib hanjabaado is xigxiga oo gaaray Taliska AMISOM ee xalane.

2-La socodka gaadiidka gala xarunta oo hoos u dhacay iyo Al-Shabaab oo laga cabsi qabo inay isticmaasho gaadiidka gaashaman isla markaana ka gasho albaabada dhowrka ah midkoodkood.

3-Saraakiisha cadaanka ee degan Xerada Xalane oo cabasho ka muujiyay Shidaal sharci daro iyo saadka ciidanka oo laga saaro Albaabada la amray in la xiro oo aan ku badneyn isticmaalka.

Xerada Xalane ayaa waxaa deegaan ku ah diblumaasiyiin iyo Saraakiil ciidan oo ka socda dowladaha deeqaha bixiya kuwaa oo tuhun ka qaba shaqooyinka ay hayaan taliyayaasha AMISOM, oo qaarkood suuqyada u iibgeeya shidaalka iyo Saadka ciidamada.

Ciidamada AMISOM ee ilaalada ka ah xerada Xalane ayaa waxaa u sahlanaan doona koontaroolka Xerada maadaama laga gali doono hal albaab oo keliya.

Al Shabaab ayaa dhawr mar isku dayay inay weeraro ku qaadaan Xarunta Taliska ciidamada Midowga Afrika AMISOM ee Xalane oo ah goob amnigeeda si wayn loo adkeeyay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this