Sign in to follow this  
Deeq A.

Waa maxay sababta aaney Al-Shabaab iyo Daacish u weerrarin Somaliland?

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (Caasimada Online) – Daacish waa xarako islaami ah oo ku cusub gayiga Soomaaliya, horay waxaa u jiray Al-Shabaab oo ay isku qaab u dagalamaan isku qaabna u ugaarsadaan.

Waligaa ma maqashay Al-Shabaab ayaa weeraray Somaliland? Jawaabtu waa Maya. Hadana Daacish isla dhabbahaas ayey martay, hadaba ma taqaanaa sababta aaney labadaba u weerarin Somaliland?

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa todobaadkaan farta ku fiiqay xiriirka la qariyo ee ka dhaxeeya Somaliland iyo xooggaga islaamiyiinta ah ee Soomaaliya, isagoo sheegay in Somaliland ay gacan ku leedahay hawlgalladada Al-Shabaab iyo Daacish.

Sidee ku dhici kartaa in Al-Shabaab iyo Daacish oo ku sugan agagaarka buuraha Gal-gala ay weeraraan Puntland balse aaney u weerarin Somaliland, tiiyoo labada maamulba ay u fududahay iney weeraraan, taas waa arrin u baahan in baaris guud lagu sameeyo, balse Gaas oo uu dagaal kala dhaxeeyo Somaliland wuxuu arrintaan ku fasiray inuu jiro gacansaar labada dhinac ah, dad badan arrintaan wey la qabaan Gaas waxeyna aaminsan yahiin in Somaliland ay dhaqaalo ahaan taageerto labada koox taasina ay sababtay inaaney marnaba falal amni darro ah ka geysan deegaanadeeda.

Waxaa u baahan in aad loo baaro cidda xiriirkaan fududeysay, ma ganacsata Somaliland ama Dowladd, dad badan waxey aaminsan yahiin in dowladdu fududeysay bale wax cadeyn ah looma hayo.

Labadii jeer ee ugu dambeysay hogaanka Al-Shabaab waxaa qabtay laba nin oo kasoo jeeda Somaliland, taas laftirkeeda waa arrin tuhun badan abuureysa, si walba dadka wax falanqeeya waxey leeyahiin eedeynta Gaas waa loo qaateen.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this