Deeq A. Posted August 29, 2018 Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Farmaajo wuxuu markii saddexaad magacaabay taliyaha ciidanka xoogga dalka muddo 18-bilood ah, dad badan arrintaan waxey ku tilmaameen fudeed siyaasadeed iyo ka fiirsi la’aan, weyna adag tahay in ciidanka xoogga dalka saldhigtaan maadaama uu jahawareer ka taagan yahay hogaankooda. Indhaqarshe waa qofkii ugu dambeeyay ee madaxweyne Farmaajo uu usoo magacaabay xilka taliyaha ciidanka xoogga, mana ahan nin ku cusub xilkaan, hadaba waxaa is weydiin mudan muxuu madaxweyne farmaajo ku doortay indhaqarshe?. Caasimada waxay baartay ujeedada ka dambeysa magacaabista Indhaqarshe, waxaana la hadalnay qaar ka mid ah saraakiisha xoogga dalka. Madaxwyene Farmaajo wuxuu lixdii bilood ee lasoo dhaafay waqtigiisa ugu badan la qaatay ciidanka xoogga, laba ilaa saddex jeer oo kala duwan ayuu xafiiskiisa u raray wasaaradda gaashaandhigga halkaas oo uu habeenno badan ku hoyanayay. Waxaa naloo sheegay in madaxweynaha uu wareysanayay ciidanka mar walba oo uu meesha tago, isagoo kulamo gaar-gaar ah la qaadanayay saraakiisha, waxyaabaha uu diiradda saarayay waxaa ka mid ahaa hoggaanka ciidanka, qanacsanaanta, sida looga adkaan karo Al-Shabaab, maareynta dhaqaalaha ciidanka iyo qofka ugu habboon xagga hogaanka. Warar hoose ayaa sheegaya in Saraakiil badan ay madaxweynaha usoo jeediyeen inuu isbadal ku sameeyo hoggaanka ciidanka, xog aruurinta Farmaajo wuxuu ku ogaaday in Indhaqarshe uu yahay qofka ugu mudan ee manta hagi kara ciidanka xogga dalka, sidoo kale askarta wey la qabaan arrintaas marka lala barbardhigo taliyihii ugu dambeeyay ee militariga Cabdiwali Jaamac Gorod. Inkastoo Indhaqarshe uu horay ugu fashilmay booskaan, hadana waxaa la isku raacsan yahay inuusan jirin qof ka mudan oo uu farmaajo aamini lahaa. Dadka arrimahan la socda waxey leeyahiin, hadii uu saxo qaladaadkiisii hore, wax badan ayuu ku guuleysan karaa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites