Sign in to follow this  
Deeq A.

Yaa ku guuleysan doona duqa Garowe?

Recommended Posts

Deeq A.   

Desktop9-768x576.jpg?resize=600%2C450&ssLabada musharax ee Garowe
Maanta oo Arbaco ah waxaa xarunta PDRC ee Garowe ka dhaceysa doorashada duqa caasimada Garowe iyo ku xigeenkiisa, sida la shaaciyay shalay kadib dhaarintii Xildhibaanada golaha cusub ee degmada Garowe.

Doorashadan oo ka xamaasad yar tii ka horeysay ee dhacday 2015-kii waxaa ku tartamaya labo musharax oo u taagan qabashada duqa caasimada, kuwaas oo kala ah Axmed Siciid Muuse iyo Axmed Abshir Jaamac, sidoo kale ma jirto cid wali isu soo taagtay ku xigeenka duqa.

Labada musharax mid walba waxa uu sheegay in uu wax ka qabanayo amniga magaalada iyo muranka dhulka oo ah labo arrimood oo Garowe ka taagan, waxayna khudbadooda rasmiga ah maanta ka hor jeedin doonaan golaha deegaanka cusub.

Waxa laga yaqaano labada Musharax

FB_IMG_15354079215708797.jpg?resize=600%Musharax Axmed Siciid Muuse
Axmed Siciid Muuse oo loo yaqaanaa (Axmed Barre), wuxuu ahaan jiray ganacsade, wuxuuna kamid ahaa asaasayaashii shirkadda korantada ee Garowe ee NECSOM, sanadkii 2005-kii ayuu markii ugu horeysay ku biiray saaxada siyaasadda, isagoo noqday Xildhibaan Puntland, 5 sano kadib mar kale ayaa dib loogu doortay sanadkii 2009-kii waxaana uu Xildhibaan Puntand ahaa 9 sano oo xiriir ah.

Axmed Barre hadda wuxuu madax ka yahay bangiga Iftin qeybtiisa Garowe, dhawaan ayuuna ku dhawaaqay musharaxnimadiisa duqa Garowe.

39345262_289629995157657_876478510291694Musharax Axmed Abshir Jaamac
Axmed Abshir Jaamac oo loo yaqaan (Bakuuke) waa nin ku cusub saaxada siyaasada, waana aqoon yahan dhalinyaro ah oo bare ka ah mid kamid ah jaamacada Puntland, dhawaan ayuu ku dhawaaqay in uu u taagan qabashada xilka duqa degmada Garowe.

Saadaasha doorashada duqa Garowe

Sida ay ogaatay PUNTLAND POST waxaa doorashada duqa Garowe ugu cadcad musharax Axmed Siciid Muuse (Axmed Barre) oo la sheegay in uu hayso inta badan codadka golaha deegaanka, inkasta oo wax walba ay isbadeli karaan.

Dadka sida gaarka ah ula socda doorashadan ayaa sidoo kale sheegay in ay u badan tahay in Axmed Barre ku guuleystan doono, maadaama aysan jirin musharaxiin badan oo codadka qeysan kara.

Doorashan ayaan ogaanay in ay ku dhici doonto qaab gacan taag ah, oo ka duwan sidii hore oo ahayd qarsoosi.

Doorashadan ayaa lagu kala bixi doona wareega ugu horeeya, waxaana lagu kala guuleysan doonaa cod dheeri.

PUNTLAND POST

The post Yaa ku guuleysan doona duqa Garowe? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this