Sign in to follow this  
Deeq A.

AMISOM oo xirtay albaabada ugu badan ee laga galo Xarunta XALANE ee Muqdisho (Akhriso sababta)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Taliska ciidamada AMISOM ee Somalia ayaa isbedel ku sameeyay qaabka loo geli jiray xarunta xerada Xalane ee Muqdisho.

Xarunta Xalane oo deris la ah garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa Saldhig u ah ciidamada AMISOM iyo kuwa reer galbeedka.

Taliska ciidamada AMISOM oo ka duulaya xaaladaha amni daro ee ka taagan magaalada Muqdisho ayaa ku dhawaaqay in la xiray dhammaan albaabada laga galo xerada Xalane.

Taliska ayaa sheegay in wixii xiligan ka danbeeya Xirada Xalane laga gali doono keliya irida Madiina Gate ee xigta dhanka Galbeed, sida lagu sheegay qoraal ay soo saartay AMISOM.

Qoraalka Taliska ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in la xiray wadooyinka kale ee Xalane sida qeybta Isbitaalka Bukaan socod eegtada ee Xalane ku yaalla iyo irdaha kale ee muhiimka ah.

AMISOM ayaa sheegtay inay bilaabi doonaan in si buuxda ay ula shaqeyn doonaan dhammaan dadka rayidka ah sida shaqaalaha iyo qandaraaslayaasha ka hawlgala Xalane.

Sidoo kale, AMISOM ayaa sheegtay in Sababta ugu weyn ee loo xiray Albaabada Xirada ay tahay mid la xiriirta amni daro iyo in la adkeeyo amniga xirada iyo Garoonka Miqdisho oo daris la ah xirada.

Si kastaba ha ahaatee, maleeshiyada Al-Shabaab ayaa dhawr jeer isku dayay inay weeraro ku qaadaan Xarunta Taliska ciidamada Midowga Afrika AMISOM ee Xalane oo ah goob amnigeeda si wayn loo adkeeyay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this