Deeq A. Posted August 28, 2018 Addis Ababa (Caasimada)-Wararka aan ka heleyno Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka DDSI ayaa sheegaya in Ra’isul wasaarihii hore ee Ethiopia Hailemariam Desalegn uu ku hingoobay qorsho lagu sii deyn lahaa Madaxweynihii hore ee DDSI Cabdi Cumar oo shalay Xsi la dhigay. Ra’isul wasaarihii hore ee Ethiopia Hailemariam Desalegn ayaa dadaal dheer kadib ka gaabsaday qorsho dib xoriyadiisa loogu soo celin lahaa Cabdi Cumar oo ku xiran Xabsi ku yaala magaalada Addis Ababa. Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka maamulka Soomaalida oo aan xiriir la sameynay ayaa inoo xaqiijiyay in Hailemariam Desalegn uu arrintaasi kala hadlay Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed, hase yeeshee Abiy uu ka cudur daartay dalabkaasi, isaga oo soo jeediyay in sharciga loo madaxbaneeyo arrinta Cabdi Cumar. Ra’isul wasaarihii hore ee Ethiopia Hailemariam Desalegn, waxa uu Abiy usoo bandhigay in Cabdi Cumar lasiiyo xoriyad uu ku dhex joogi karo gudaha dalka isagoo ay ku socto dacwada ku furan, hase yeeshee waxaa arrinkaasi diiday Abiy Axmed oo ka hor imaaday in Xabsiga iyo goobaha sharciga laga wado Cabdi Cumar inta ay arintiisa meel u dhaceyso. Hailemariam Desalegn, ayaa xiriir wanaagsan waxa uu kala dhexeeyay Cabdi Cumar waana sababta keentay inuu ka shaqeeyo xoriyadiisa, wallow uu ku guul dareystay. Sidoo kale, Abiy Axmed ayaa ballanqaaday in Cabdi Cumar uu dhadhamin doono sharciga saxda ah, isagoo ka digay in faragalin lagu sameeyo arrinta Cabdi Cumar ilaa iyo laga soo taagayo Maxkamad. Dowlada Ethiopia ayaa Cabdi Cumar wali ku heysa baaris ku aadan inuu geystay tacadiyo isugu jira dil iyo boob dhul iyo mid dhaqaale, waxaana la ogeyn natiijada kasoo bixi doonta barista socta ee sababi doonta in lasoo taago Maxkamad. Caasimada Online Xafiiska Addis Ababa Caasimada@live.com Quote Share this post Link to post Share on other sites