Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyaha qeybta Booliska Bari oo dhaliil u jeediyay maxkamadaha Bosaso

Recommended Posts

Deeq A.   

Bosaso-[Puntland Post] Taliyaha qeybta Booliska gobalka Bari Cabdixakiin Yuusuf Xuseen ayaa dhaliil u jeediyay maxkamadaha ku yaala magaalada Boosaaso.

Cabdixakiin Yuusuf Xuseen ayaa sheegay in danbiilayaasha ay soo qabtaan islamarkaan ay maxkmadaha geeyan aan la marin sharcigu waxa uu ka qabo xukun kooda, taa badalkeedana looga dhigo in magaalada lagu soo fasaxo.

”Maxkamadaha waxaanu geynaa danbiilayaal dawlada danbi ka galay, mana jirto sharci la mariyo maalinta danbana waxaanu ku argnaa danbiilihii oo suuqa maraya, waxaanu maxkamadaha ka codsanaynaa  in waxaanu u keeno ay sharciga mariyaan , hadii sharciga la marin waayo danbiilayaasha ayaa badanaya” sidaas wax yiri Taliyaha qeybta Booliska gobalka Bari Cabdixakiin Yuusuf Xuseen.

Cabdiqani Boos

Puntland Post- Bosaso

The post Taliyaha qeybta Booliska Bari oo dhaliil u jeediyay maxkamadaha Bosaso appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this