Deeq A. Posted August 28, 2018 qaar kamid ah golaha cusub ee Garowe Xildhibaanada cusub ee golaha deegaanka degmada Garowe ayaa maanta oo Tallaado ah lagu dhaariyay guriga gobolka Nugaal. 26 Xildhibaan oo kamid ah 27-ka Xildhibaan ee golaha deegaanka degmada Garowe ayaa la dhaariyay, waxaana dhiman 1 xubin oo lagu wado in saacadaha soo socda lagu soo daro. Golaha cusub ee degmada Gorowe ayaa u badan dhalinyaro, waxaana ku jira 3 dumar ah, sidoo kale qaar kamid ah xubnihii hore ayaa soo noqday waxaan kamid ah duqii hore ee Xasan Maxamed Ciise (Goodir). Doorashada duqa cusub ee Garowe ayaa lagu wadaa in ay dhacdo horaanta bisha soo socota ee September oo maalmo ka harsan yihiin. Ilaa iyo hadda labo musharax ayaa shaaciyay in ay u taagan yihiin duqa degmada Garowe, kuwaas oo kala ah Axmed Siciid Muuse iyo Axmed Abshir Jaamac. Wareegto ka soo baxday Xafiiska madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxammed Cali Gaas 5-tii April ee sanadkan ayaa lagu kala diray golahii hore degmada Garowe, kadib markii lagu eedeeyay in ay shaqadoodii gudan waayeen, islamarkaaana ay ka bixiwaayeen is-qab-qabsi joogta ah. Sidoo kale Madaxweyne Gaas ayaa isla maalintaas magacaabay maamul ku meel gaar ah wuxuuna duqa u magacaabay Axmed-deeq Ayax, oo dhawaaan ka haray tartanka duqa degmada Garowe . Isla bishaas April qoraal ka soo baxay Wasaaradda arrimaha gudaha Puntland ayaa lagu shaacisay in golaha deegaanka cusub ee loo soo xulayo Garowe ay mamnuuc ka yihiin dhammaan xubnihii ka tirsanaa golihii hore. Balse waxaa muuqata in amarkaasi shaqeyn waayay, kadib markii golaha cusub ay ka soo muuqdeen qaar kamid golihii hore ee degmada Garowe. PUNTLAND POST Garowe The post Xildhibaanada cusub ee degmada Garowe oo la dhaariyay appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites