Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee BFS oo hal sabab aawgeed ugu yeeray Saraakiisha DF & kuwa AMISOM

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha shacabka Baarlamaanka Somalia Mahad Cabdalla Cawad oo ka hadlaayay furitaanka 4-aad ee golaha shacabka ayaa sheegay in kalfadhiga uu furmi doono dhawaan.

Guddoomiye Cawad oo ku hadlaayay magaca Guddoonka golaha shacabka ee Baarlamaanka ayaa sheegay in ka hor furitaanka kalfadhiga 4-aad ee golaha shacabka ay muhiim tahay inay la kulmaan Saraakiisha DFS iyo kuwa AMISOM u qaabilsan amniga Xarunta.

Guddoomiye Cawad, waxa uu sheegay in sidaa aawgeed uu Guddoonka Golaha shacabka BFS u yeerayo dhammaan Saraakiisha ciidamada DFS u qaabilsan Xarunta Golaha shacabka ee magaalada Muqdisho.

Waxa uu Cawad sidoo kale sheegay in Guddoonka Golaha uu sidoo kale isugu yeeray Saraakiisha waaweyn ee ka tirsan Taliska ciidamada AMISOM, qeybta ciidamada dowlada ka Caawisa amniga xarunta Golaha.

Waxa uu Guddoomiye Mahad Cabdalla Cawad tilmaamay in mar waliba uu guddoonka diyaar u yahay in ciidamada ammaanka ee qaabilsan amniga xarunta kala shaqeeyan dhan waliba oo ku xeeran duruufaha shaqo.

Waxa uu sheegay in ahmiyada ay isugu yeerayaan Saraakiisha ay tahay in la dardar geliyo amniga maadaama uu dib u furmi doono kalfadhiga baarlamaanka.

“Waa khasab in furitaanka kalfadhiga ka hor aan la kulano Saraakiisha DFS iyo kuwa AMISOM u qaabilsan amniga xarunta, waayo furitaanka ka hor waa in la adkeeya amniga xarunta”

Xarunta Golaha Shacabka ayaa waxaa si wada jira u ilaaliya ciidamada dowlada qeybta Booliska iyo kuwa AMISOM oo iska kaashta sugida amniga xarunta.

Haddalka Guddoomiye Cawad ayaa kusoo beegmaya iyadoo 10-ka bisha September ee soo socoto la iclaamiyay in Madaxweynaha JFS Mudane C/laahi Farmaajo uu si rasmi ah u furi doono  kalfadhiga 4-aad ee golaha shacabka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this