Sign in to follow this  
Deeq A.

In ka badan 40 xildhibaan oo mooshinka gudbiyay madaxweynaha Hirshabeelle

Recommended Posts

Deeq A.   

In ka badan 40 mudane oo ka tirsan Baarlamanka Hirshabeelle ayaa mooshin ka gudbiyay madaxweynaha maamulkaasi,Maxamed Cabdi Waare,sida ay xaqiijiyeen qaar kamid ah xubnaha mooshinka keenay.

Xildhibaannada mooshinka wada ayaa madaxweynaha ku eedeynaya waxqabad la’aan iyo fashil ay sheegeen in uu hareeyay maamulkiisa,gaar ahaanna arrimaha bulshada iyo amniga oo degaannada Hirshabeelle aad u hooseeya.

Xildhibaan Aadan Cabdi Faarax oo ka tirsan mudanayaasha Hirshabeelle,kana mid ah xubnaha mooshinka wada ayaa Warbaahinta u sheegay in xildhibaannadu ay arkayaan duruufo adag oo ka jira Hirshabeelle,islamarkaana aysan waxba ka qaban xukuumadda Waare.

Madaxda sare ee maamulka Hirshabeelle,sida madaxweyne Maxamed Cabdi Waare,guddoomiyaha Baarlamanka,Sheekh Cusmaan Barre Maxamed iyo madaxweyne ku xigeenka,Cali Cabdullaahi Xuseen(Cali Guudlaawe) ayaa dhammaantood haatan ku sugan magaalada Muqdisho.

Wararka qaar ayaa sheegaya in madaxda maamulkaasi ee Muqdisho jooga ay kulamo la qaateen mas’uuliyiin ka tirsan Federaalka Soomaaliya.

PUNTLAND POST

The post In ka badan 40 xildhibaan oo mooshinka gudbiyay madaxweynaha Hirshabeelle appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this