Sign in to follow this  
Deeq A.

Xaaf oo Dhaliilay Dowladda Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa eedeen culus u jeediyay Dowladda Dhexe ee Soomaaliya.

Xaaf oo shalay ku laabtay Magaaladda Dhuuso-mareeb ee Caasimadda Galmudug,ayaa sheegay in aysan wax gargaar ah ka helin Dowladda Soomaaliya, islamarkaana ka horistaagtay gargaarkii ay beesha caalamka ugu talagaleen Galmudug.

“Dowlada Federalka aad iyo aad ayay noo gacan bidxeysay mucaawino kama hayno dhaqaale kama hayno aan isku tashano wax aan sugno beesha caalamka dowladaa dhexda u joogto, noomana gacan furno.”ayuu yiri Axmed Ducaale.

Dhanka kale Madaxweynaha Galmudug ayaa ka hadlay waan-waantii laga dhex waday isaga iyo garabka Magaaladda Cadaado ee Madaxweyne Ku-xigeenka iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.

Waxa uu sheegay in heshiis la gaaray horaantii bishii hore ay wax iska bedeleen xilli uu ugu maqnaa safar dalka Magaaladda Brussels ee xarunta dalka Belgium-ka.

“Runtii markii aan ka soo laabtay shirkii Belgium-ka waxa uu qorshuhu ahaa aniga iyo Madaxweyne ku xigeenka iyo guddoomiyaha baarlamaanka inaan dhuusamareeb tagno laakin wey suurtageli weysay,sababta ay u suurtagali weysay runtii waa waxyaabo iska jira laakin waa laga guuleysan doona “, ayuu yiri Madaxweyne Xaaf.

PUNTLAND POST

The post Xaaf oo Dhaliilay Dowladda Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this