Sign in to follow this  
Deeq A.

Muqdisho: Yaa bixiyey xogtii lagu soo qabtay sarkaalka ka tirsan sirdoonka Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubin ka tirsan amniyaadka Mintidiinta Ururka Al Shabaab ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho, kadib hawlgal gaar ah oo ciidanka amniga ay ka sameeyeen gudaha magaalada.

Shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa bixiyay macluumaadka lagu soo qabtay ninkan ka tirsan Ururka Al Shabaab ee ciidamada ammaanka dowladda federaalka ay qabteen.

Taliska Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka wuxuu ku sheegay in hawlgalkan oo dhacay maanta uu ahaa mid lagu sugayay nabad galyada shacabka.

Qoraalka NISA ayaa lagu yiri “27-ka Agugust 2018, hawlgal qorshaysan waxaa magaalada Muqdisho ka fuliyay ciidanka ammaanka Dowladda Federalka Soomaaliya, waxaana lagu soo qabtay xubin amniyaadka Al Shabaab ah, hawlgalka cidi wax kuma noqon, tani waxay tusaale u tahay shaqada adag ee ciidanka amnigu ku sugayo nabad galyada iyo xasiloonida”.

Ninkan la soo qabtay lama soo bandhigin sidoo kalena lama hayo magaciisa, balse Taliska NISA ayaa shaaciyay in la qabtay, hadana uu ku jiro gacanta dowladda, lana geeyay mid ka mid ah xarumaha baarista.

27-ka Agoosto, 2018, howlgal qorshaysan ay fuliyeen ciidanka amaanka dowlada federalka Soomaaliya waxaa lagu soo qabtay xubin Amniyaadka Alshabab ah.

Howlgalka cidi wax kuma noqon.
Tani waxay tusaale u tahay shaqada adag ee ciidanka amnigu ku sugayo nabadgalyada & xasiloonida.

— NISA (@HSNQ_NISA) August 27, 2018

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this