Sign in to follow this  
Deeq A.

Beesha Murusade oo ka heshiisay mad madow dhexdeeda ka jiray (Sawiro)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online): Waxaa manta Hotelka Dayah ee magaalada Muqdisho ka dhacay Shirweynaha Wadatashiga iyo Midnimada Beesha Murusade , waxaana shirkan kasoo qeyb galay dhamaan jufooyinka kala duwan ee ku abtirsada Beel weynta Murusade.

Shirkan oo ahaa mid muhiim ah loogana tashanayay Midnimada iyo wadajirka beesha ayaa waxaa kasoo qeyb galay Siyaasiyiin , Saraakiil, Waxgarad, Ganacsato, Aqoonyahano, Dhalinyaro , Qurbo jog iyo Haween, kuwaa oo dhamaan kasoo jeeda beesha Murusade  .

Shirweynaha ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa daba socday shirar horey loo qabtay, waxaana shirkan lagu cadeeyay in beesha dhaxdeeda ka heshiisay waxyaabo mad madoow ahaa ayna hada beesha noqotay mid usoo jeesatay midnimada iyo wadajirkeeda .

Waxgaradkii, Siyaasiyiintii iyo dhamaan dadkii kala duwanaa ee kulankan ka hadlay ayaa ku dheeraaday sida ay muhiim u tahay in beesha ka shaqeyso Midnimada, waxa ayna dhamaan dadkii hadlay cadeeyeen in Beeshu tahay mid isku duuban oon dhaxdeeda xiligan wax saluug ah uusan ka jirin.

Ugaas Cabdulaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracade oo ah Ugaaska Beesha Murusade oo gabo gabadii kulanka ka hadlay ayaa sheegay in muhiim tahay in beesha wadatashi yeelato sidii kale ay noqoto dad mideesan oo ul iyo deerkeeda oo kala ah.

Ugaaska ayaa ugu dambeyn dadkii kala duwanaa ee kasoo qeyb galay Shirweynaha ugu baaqay in ay is cafiyaan laabtana is galiyaan, waxaana  mar qura goobta ka dhacay is marxabeyn iyo in dhamaan dadkii Shirka joogay laabta is galiyaan.

Shirweynahan dhamaan dadkii kala duwanaa ee  kasoo qeyb galay waxa ay cadeeyeen in ay taageersan yihiin dowlada Soomaaliya, waxa ayna ku balameen in laga shaqeeyo wadajirka iyo sidoo kale dowladnimada Soomaaliya.

Gabo gabadii Shirweynaha  Wadatashiga iyo Midnimada Beesha Murusade ayaa kusoo dhamaaday guul aad loogu riyaaqay, waxaana dhamaan dadkii kasoo qeyb galay wajiyadooda ka muuqatay sida ay ugu faraxsanaayeen in Beesha kulankan weyn isugu timaado kana arinsato aayaheeda.

Murusade-1.jpg?resize=696%2C464&ssl=1besha-4.jpg?resize=696%2C464&ssl=1besha-7.jpg?resize=696%2C464&ssl=1besha-9.jpg?resize=600%2C400&ssl=1murusade-2.jpg?resize=696%2C464&ssl=1murusade-3.jpg?resize=696%2C464&ssl=1murusade-4.jpg?resize=696%2C464&ssl=1murusade-5.jpg?resize=696%2C464&ssl=1murusade-7.jpg?resize=696%2C464&ssl=1murusade-9.jpg?resize=696%2C464&ssl=1murusade-10.jpg?resize=696%2C464&ssl=1murusade-11.jpg?resize=696%2C464&ssl=1murusade-12.jpg?resize=696%2C464&ssl=1murusade-14.jpg?resize=696%2C464&ssl=1murusade-16.jpg?resize=696%2C464&ssl=1murusade-17.jpg?resize=696%2C464&ssl=1murusade-18.jpg?resize=696%2C464&ssl=1murusade-19.jpg?resize=696%2C464&ssl=1murusade-20.jpg?resize=696%2C464&ssl=1murusade-21.jpg?resize=696%2C464&ssl=1murusade-22.jpg?resize=696%2C464&ssl=1murusade-24.jpg?resize=696%2C464&ssl=1murusade-25.jpg?resize=696%2C464&ssl=1murusade-26.jpg?resize=696%2C464&ssl=1murusade-27.jpg?resize=696%2C464&ssl=1murusade-28.jpg?resize=696%2C464&ssl=1

Caasimada Online
Muqdisho-Office
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this