Deeq A. Posted August 27, 2018 Addis-Ababa (Caasimada Online) – Cabdi Maxamuud Cumar(Iley) oo ahaa madaxweynihiin hore ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa maanta xabsiga laga dhigay kadib markii laga kaxeeyay gurigiisa uu maalmahan ku xirnaa. Telefeshinka Itoobiya(ETV) ayaa soo bandhigay Cabdi Iley oo ay kaxeynayaan ciidamada, waxaa kale oo muuqaalka ku jira qoryo. Sida wararku sheegayaan Cabdi Iley ayaa lagu eedeeyay kicin iyo isku dir uu ka dhex waday qowmiyadaha Itoobiya. Hey’adaha xuquuqda aadanaha ayaa Cabdi Iley ku eedeeyay in uu lahaa ciidamo gaar ah, isla markaana uu armay falal dil ah, dhac, kufsi iyo barakicin qasab ah. Wararku waxay sheegayaan in Cabdi Maxamuud Cumar laga xiray gurigiisa oo ku yaala meel u dhow Huteelka Atlas ee magaalada Addis Ababa. Cabdi Maxamuud Cumar waxaa lagu eedeeyay inuu gaystay dambiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha sidoo kale uu huriyay dagaal dhexmaray qowmiyadaha qaar. Warbaahinta dowladda Itoobiya ee ETV waxay ku warrantay in booliska ay xabsiga u taxaabayaan saraakiil kale oo xiriir la lahaaCabdi Maxamuud Cumar. Dhawaan ayay ahayd markii baarlamaanka Dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ay Cabdi Maxamuud Cumar ay xasaanadda kala noqdeen. Sidoo kale dadka xasaanadda lagala noqday waxaa kamid ah: Cabdijamal Qolombi : Xeer ilaaliyihii dowlad deegaanka Raxma Maxamed : Wasiirkii haweenka iyo carruurta Deeq Cabdullaahi : Wasiirkii Arrimaha Biyaha Ibraahim Maxamed Mubaarak : Duqii Jig Jiga Share this post Link to post Share on other sites