Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaano ka hadlay sida ay u arkaan hanaanka ay DFS kula dagaalameyso Musuq-maasuqa

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Somalia ayaa wali ku howlan qorshaha la dagaalanka musuq-maasuqa kaa oo loo xiray mas’uuliyiin dhowr ah oo ka tirsan dowlada.

Dadka ay dowlada u xirtay musuq-maasuqa ayaa waxaa ku jira Saraakiil ciidan oo la sheegay in lagu helay qaadashada lacago laaluush ah.

Talaabada ay dowlada Somalia kula dagaalameyso mas’uuliyiinta lagu helo musuqa ayaa waxaa taageeray Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Somalia oo sheegay inay muhiim tahay in sharciga la horgeeyo cid waliba oo lagu helaa musuq.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ah baarlamaanka Somalia qeybna ka ah Xildhibaanada taageeray la dagaalanka musuqa ayaa sheegay inay aad usoo dhaweynayaan ciqaabida cid lagu helaa musuq.

Xildhibaan Dalxa waxa uu sheegay in Musuqa uu yahay keliya kan ragaadiyay hormarka Somalia, waxa uuna dowlada Somalia ku dhiirigaliyay inay baaritaan dheeraad ah ku sameyso mas’uuliyiinta kale ee xilalka u haya dowlada isla markaana la tuhunsan yahay.

Sidoo kale, Xildhibaanka ayaa ka dalbaday madaxda dowladda federaalka ah ee Somalia in ay sii wadaan la dagaalanka waxa loogu yeero Musuqa, waxa uuna cod dheer ku sheegay in dhaqaalaha lagu cuni lahaa musuqa ay u baahan yihiin shacabka liita.

Waxa uu tilmaamay inay badan yihiin Xildhibaanada aadka u taageersan la dagaalanka musuqa, hase yeeshee ay diyaar u yihiin in DFS ay ku garab istaagan talaabo waliba oo looga hortagaayo musuqa.

Geesta kale, Xildhibaan Dalxa ayaa intaa ku daray in ay muhiim tahay in shacab iyo dowlad la’iska kaashado qorshahaasi, si uu dalku u gaaro horumar iyo barwaaqo.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this