Sign in to follow this  
Deeq A.

Video: Maxaa kasoo baxay mooshinkii heshiiska DP World ee dekada Bosaso?

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Xildhibaanada Golaha Wakiilada ee Puntland ayaa maanta u fariistey Mooshin  laga keenay shirkadda P&Ports ee mataanta la ah shirkadda weyn ee DPWorld, taas oo lagu wareejiyey sanadkii hore dekadda Boosaaso.

Mooshinkan ayaa dhigaayey in shirkadda kirtsyatey dekadda Boosaaso muddo 30 sano ah ay ku fashilantey heshiiiskii lala galey oo aysan waxba ka qaban dekadda Boosaaso muddo sanad kadib ah heshiiskii lala galay.

Afhayeenka Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi ayaaXildhibaanada ka hor akhriyey habraaca Mooshinka wuxuu sheegay in Mooshin ay soo gudbin karaan 6 Xildhibaan, waxaana la doonayaa in ay ku raacaan 22 Xildhibaan.

In badan oo kamid ah Xildhibaanadii Mooshinka qorey ayaa fadhiga ka maqnaa, oo aan soo xaadirin isla markaana difaacan mooshinka ay qoreen.

Afhayeenka Baarlamaanka ayaa geliyey codeyn in mooshinka laga doodo iyo in kale, waxaa u codeeyey 10 Xildhibaan, waxaana diidey 23 Xildhibaan, taas oo mooshinka ka dhigtey mid aan la furi karin.

Horey ayaa shacabka Puntland isu weydiiyeen sababta mooshinkan ay u keeneen Xildhibaanada Golaha wakiilada oo sanadkii la soo dhaafey meel-marinta heshiiskan ku qaatey lacag ku dhaw $2milyan oo dollar,  oo ahayd lacagtii shirkaddu u bixiey hormarinta ama xaqul qalin wax loogu yeeray, taas oo keentey in heshiiska aan dood dheerba la gelin.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this