Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso: Madaxweynaha DDSI oo soo bandhigay 5-ta qodob ee uu wax ka qaban doono inta uu xilka hayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Jigjigo (Caasimada Online)-Madaxweynaha cusub ee DDSI Mustaf Muxumed Cumar (Cagjar) oo la dhaariyay ayaa sheegay in maamulkiisa uu qaban doono howlo ka duwan maamulkii hore.

Mustaf Muxumed, waxa uu sheegay in maamulka DDSI uu ka dhameystiri doono dhinacyo howshooda ay tahay mid qabyo ah, waxa uuna cadeeyay inuu xooga saari doono ilaa Shan arimood.

Mustaf Muxumed ayaa baarlamaanka maamulka u aqriyay qodobada ugu muhiimsan ee uu ka shaqeyn doono mudada uu xilka hayo, wuxuuna sheegay inay jiran arrimo muhiim ah oo u baahan in xooga la saaro.

Waxa uu Madaxweyne Mustaf Muxumed sheegay inuu xooga saari doono qodobada kala ah:-

1-Dib usoo celinta xasiloonida deegaanka iyo kalsoonida shacabka ay ku qabaan dowladooda.

2-Xalinta colaadaha ka dhex jira qabiilada deegaanka iyo qowmiyadaha kala ee deriska la ah Soomaalida.

3-Dib usoo celinta sareynta Sharciga iyo xuquuqaha ay leeyihiin dadweynaha.

4-Dib u eegida awoodaha dheeriga ah oo ay yeelan karaan madaxda dowladda, taasi oo lagu dhibaateyn karo dadka.

5-Soo celinta Soomaalinimada iyo astaamaheeda, taasi oo muujineysa isirka ay kasoo jeedaan shacabka DDSI.

Madaxweyne Mustaf Muxumed, ayaa sheegay inuu dalbanaayo in lagala shaqeeyo wax waliba oo u wanaagsan maamulka, isagoo meesha ka saaray inuu leeyahay dano gaara ama mid dhaqaale lagu raadinayo.

Dowlada Ethiopia ayaa siyaasad ahaan aad ula dhacsan Mustaf Muxumed, waxaana la filayaa inuu la imaan doono Golo siyaasad ahaan isaga lamid ah.

Caasimada Online

Xafiiska Jigjigo

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this