Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Yaa lagu wadaa in loo doorto Gudomiyaha Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada SOMALIA?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka heleyno xubno ku dhow dhow Hogaamiyayaasha dowlad Goboleedyada Somalia ayaa sheegaya in dhawaan lagu wado in Guddoomiye cusub loo doorto Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada.

Guddoomiyaha Golaha Iskaashiga ayaa waxaa hadda ku magacaaban Hogaamiyaha maamulka Puntland C/weli Gaas, waxa uuna qorshuhu yahay in xilkaasi uu qaban doono Maxamed Cabdi Waare oo hadda ah Guddoomiye ku-xigeenka Golaha.

Hogaamiyaha Puntland C/weli Gaas ayaa xilkaasi ku wareejin doona shirka la filaayo in maalmaha soo socda uu Golaha uga furmo magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland.

Magaalada Kismaayo waxaa Saddexda Bisha September ee soo socota ka furmaya shirka Xubnaha Golaha Iskaashiga dowlad Goboleedyada, iyadoo waxa ugu badan ee looga hadli doono shirka  ay tahay walaaca ay Hogaamiyayaasha ka qaban faragelinta dowladda Federaalka ay ku heyso Maamul Goboleedyadooda.

Hogaamiyaha Maamulka Puntland C/wali Gaas ayaa dhawaan la filayaa inuu gali doono olole doorasho, waxa uuna sidaa ku wareejin doona xilka Golaha.

Sidoo kale, Hogaamiyayaasha maamulada Jubbland iyo Koonfur Galbeed ayaa iyaguna la filayaa inay galayaan doorasho.

Dhinaca kale, shirka Golaha ee dhawaan qabsoomi doona ayaa socon doona muddo ka yar Seddex cisho waxaana laga soo saari doona qodobo lagu difaacayo doorashooyinka maamulada oo is xigxiga.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this