Sign in to follow this  
Deeq A.

GAAS oo sheegay mudada ay ku qaadan karto inay Somaliland ka saran Sool

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online)-Hoggaamiyaha maamulka Puntland C/weli Gaas oo madaxtooyada maamulka kulan kula qaatay tiro mas’uuliyiin iyo Saraakiil ciidan oo ka tirsan maamulka ayaa ka hadlay suuragalnimada in Puntland ay dib usoo ceshato Gobolka Sool.

C/weli Gaas, ayaa sheegay in ahmiyad gaara ay u leedahay inay dib usoo ceshtaan Gobolka Sool, waxa uuna cadeeyay in Gobolka Sool uu uga duwan yahay Gobolada kale.

Gaas, waxa uu mas’uuliyiinta iyo Saraakiisha u cadeeyay in sumcada Puntland ay tahay mid ku jirta soo cesashada Gobolka Sool, waxa uuna ku baaqay in waddo waliba ay u qaadi doonaan sida ciidamada Somaliland looga saari lahaa Gobolka.

Waxa uu Gaas tilmaamay in ciidamada maamulka ay muddo kabadan 24saac ku qaadan doonin inay xoreeyan Gobolka Sool, waa haddii ay qaadan duulaan niyad leh.

Waxa uu sheegay in ciidamada maamulkiisa ay ka tababar wanaagsan yihiin kuwa Somaliland, sidaa aawgeedna ay qaadi doonaan dagaal lagu xoreynaayo Gobolka.

Sidoo kale, mas’uuliyiinta iyo Saraakiisha uu la kulmay ayaa ku dhiiragaliyay inay kawada shaqeeyan dib u hanashada Gobolka, isagoo ku baaqay inay wada sameeyan xiriir iyo wada shaqeyn.

Haddalka C/weli Gaas,ayaa u muuqanaaya mid Puntland ay ku diyaarineyso dagaal kama danbeyn ah oo ay kula wareegto Gobolka Sool, wallow ciidamada Somaliland ay heegan ku jiran.

Caasimada Online

Xafiiska Garoowe

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this