Sign in to follow this  
Deeq A.

Xalka kama dambaysta ah ee amniga Muqdisho oo ku jira 6 arrin oo la fuliyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Labadii sano ee lasoo dhaafay waxay dowladu dadaal badan ugu jirtay sidii soomaaliya looga dhigi lahaa dal amaan ah gaar ahaan caasimada muqdishu, waxaa muuqata in aysan dowladu dadaal yaraysan lkn ay wali Meesha ka maqan tahay taladii saxda ahayd wadadii ku haboonaydna aan loo marin.

Dadaalo farabadan ayaa la sameeyey malaayin dollar ayaa lagu bixiyay tijaabooyin kala duwan oo ay ugu damaysay fikradii ciidanka xasilinta ee dhowaan lagu hungoobay, sidaa awgeed waxaan maqaalkan u qoray inaan dowladda ugu iftiimiyo talaabooyin hadii ay ku dhaqaaqdo ay guul kama dambays ah ka gaari doonto amniga iyo kalamdambyanta dalka oo dhan, ma aha wax aan maskaxdayda ka keeney waa tijaabooyin horey loogu guuleystay oo laga sameeyey gobolo dalka kmaida iyo dalal horey amni darro uga dhacday.

Tallaabooyinkan waa kuwa ka kharash yar kuwii hore kana waxtar badnaan doona hadii lagu dhaqaaqo daacadnimana lagu daro insha’allah, waxaana ugu horeeya talaabooyinkaas:-

1.       Awoodsiinta Degmooyinka si ay Sugaan amnigooda.

Gadoomiye walba waa inuu mas’uul ka noqdaa amniga degmadiisa, saldhiga degmadu waa inuu keydiyaa xogta degmadiisa, soddon kii guri waa in loo sameeya qof horjooge ah oo u report gareeya saldhigga degmada, qof walba oo xaafadda kusoo biira waa in lala socodsiiyaa qofka horjoogaha ah lana diiwaan galiyaa, qof walba oo degmada dagan hadii uu gurigiisa ka kiraynayo qof cusub waa inuu waydiiyaa damiin, qofka cusub oo guriga kiraysanaya iyo damiinkiisa waa in laga diiwaan galiyaa saldhigga degmada, hadii qofka guriga leh uuna sidaa samayn oo gurigiisa lagu qabtoh qof nabad diid  ah gurigiisa waxaa la wareegeysa dowladda isaguna waxa uu noqonayaa dambiile gabaad siiyay sharwade, talaabadaas waxay ku adkaynaysaa nabad diidku inay helaan gabaad iyo meelo ay kasoo abaabulaan howlohooda nabad diidnimo

Sidaas waxaa la samayn karaa oo kaliya marka sugidda amniga loo daadajiyo heer degmo.

2.   Diiwaan galin ta iyo Keydinta xogta Gawaarida soo dagaysa iyo kuwa yaal dhamaan.

Wasaarada howlaha guud iyo Gobolka banaadir waa inay iska kaashadaan uruurinta xogta gawaarida magaalada taal oo dhan, xogta la uruurinayo ma aha taarikada gaariga oo kaliya sida hadda la sameeyo, taarikadu waa wax fudud oo gaariga laga furi karo mana noqon karto tixraac marka gaariga lagu sameeyo fal amni daro,  xogta ugu muhiimsan ee gaariga laga diiwaan galinayo waa:-

i. VIN (Vehicle identification number) Gaari walba oo dunida yaal wuxuu leeyahay number u gaar ah kaas oo shirkadaha gawaarida sameeya ugu talagaleen, majirto laba gaari oo isku VIN number ah, xitaa hadii uu gaadhigu qarxo ama gubto wali waa la arki karaa numberka waxaana laga dhigan karaa tixraac lagu ogaado asaal ahaan cidii gaarigaan ku qornayd ee dakadda kala soo dagtay kadibna si fudud ayaa lagu heli karaa ciddii falka gaysatay hadii uu isaga yahay ama qofkale oo uu kasii iibiyay.

Badanaa numberkaan wuxuu ku qoran yahay marka la furo kabarka hore ee gaadhiga afkiisa hore, ama halka isu xirta daaqada iyo gaadhiga, shirkadaha qaar waxay ku qoraan shaaga korkiisa, marka gaariga dakadda laga soo dajiyo ama marka la canshuurayo waa in macluumaadka la diiwaan galinayo lagu daraa numberkaas iyo numberka taarikada kadib hadii gaadhigaas la qarxiyo isagoo aan taariko lahayn waxaad helaysaa numberkiisa kadibna si fudud ayaad ku ogaan taarikada iyo magaca qofkii lahaa hadii ay xogtu horey kuugu kaydsanayd.

ii.  Xogta qofka gaariga lasoo dagay, kii uu kasii iibiyay iyo damiinkooda dhamaan.

Qof walba oo gaari canshuuranaya saddexdii biloodba mar waa in magiciisa lala keydiyaa macluumaadka kale sida shaqadiisa, VIN ka iwm iyadoo ay keydinayso cida canshuurta ka qaadaysa, sidoo kale na waa in qof walba leeyahay damiin loo raaci karo hadii uu isagu dambi sameeyo, damiin kaasi wuxuu caddaynayaaa in qofkaasi yahay qof bulshada sumcad kuleh oo falalka amni darrada aan lagu aqoon uuna ka mas’uul yahay wixii uu ku geysto gaarigaa, taasi waxay yaraynaysaa in kooxaha nabadiidku ay si fudud gaari ku helaan maadaama aysan xiriir fiican lalahayn odayaasha ama ganacsatada reerkooda aysanna heli kerin cid damiinata hadii ay helaanna uu dambiile noqonayo qofkii damiintay, hadii uu qofku gaadhiga sii iibinayo waa inuu tagaa nootaayo sax ah, nootaayadu waa inay keydisaa magaca laga iibsadaha, iyo iibsadaha cusub magiciisa iyo damiinkiisa iyo halka uu ka shaqeeyo, qofna waa in uu san gaari ka iibin qof uusan hubin, hadii gaarigaas lagu gaysto amni xumo dowladdu waxay la xiriiraysaa qofkii gaariga ku qornaa kadib isna waxa uu dowladda geynayaa nootaayadii kaydisay xogta ninkii ka iibsaday halkaas waxa laga soo helayaa ninkii falka gaystay hadii la waayo waxaa la helayaa ganacsadihii ama nabadoonkii damiintay isagaana mas’uul ka noqonaya wixii uu gaystay (Ma dhacayo qarax dhaca oo aan cidi mas’uul ka noqon loona raacin)

iii.  Taarikada gaadhiga, Modelkiisa, xilligii la farsameeyey iyo xilliga lagasoo dajiyay dalka, dhamaan xogtaas waa inay haysaa wasaarada ku shaqada leh si gaadhi walba oo amni darro sameeya si fudud loogu helo cidii lahayd.

iv.  Sawirka qofka iska leh gaadhiga sidoo kale waa in la kaydiyo sababtoo ah hadii xitaa la waayo qofkaas markii fal amni darro gaadhigiisa lagu gaysto ama xitaa damiinkiisii la waayo waxaa si fudud warbaahinta loogu faafin karaa sawirkiisa si dadkoo dhan u arkaan soo qabashadiisana ugu fududaato laamaha sirdoonka

3. Samaynta numberka Police ka 999

Qof walba oo arka nabadiidka ama xog ka hela waa inuu heli karaa number si fudud uu ula xiriiri karo, degmo walba saldhigoodu waa in xilli walba ay jirtaa cutub ciidan ah oo u diyaarsan howlgal, qofku marka uu la xiriiro saldhigga, police ku waxa ay waydiinayaan xaafadiisa iyo qofka horjoogaha ka ah, horjooguhu waa in uu yaqaan soddonkiisa guri dadka dagan si fududna ku garan karaa halka dhibka laga sheegayo, police ka waa inuu ka caawiyaa inay halkaas ku gaaraan si fudud, tani waxay heerka ugu sarreeya ka dhigaysa amniga caasimadda hubaal waxa ay noqonaysaa mid kamida caasimadaha ugu amniga badan lkn waxay u baahan tahay shaqo iyo u adkaysi inta uu ka hirgalayo dadkuna baranayaan.

4. Xoojinta sirdoonka iyo tayayntooda.

Waxaa laga yaabaa in qaar police ka kamid ah, ama laamaha sare ee amniga ka tirsan ay la shaqeeyaan nabad diidka, waxaa jira dad si dadban ula shaqeeya nabaddiidka oo ay ku jiraan mas’uuliyiin sare, cidda kaliya oo dabagali karta oo kashifi karta  siraha cadawga waa sirdoon xoog leh oo il dheer, mar marka qaar waxaa dhacaysa in qof shacab ah oo dowladda kusoo wargaliyay fal nabadiidku wadeen in la dilo, markaas waa in sirdoonku shaqadiisa qabsadaa oo qofkii bixiyay xogta qofkaa shacabka ah aan laga harin ee lasoo qabtaa, waxa badanaa kalsoonida shacabka lumiyay waa in dad badan oo dowladda la wadaagay xogo xasaasiya oo nabadiidka ku saabsan ugu dambayn la dilay, sababtu wax kale maaha ee qof dowladda katirsan ayaa nabad diidka ugudbiyay in qofkaa shacabka ahi xogtooda soo gudbiyay, dowladuna talaabo kama qaadin, mana baarin lkn hadda waa inay noqotaa howl aan la iskaga harin shacabkana loo damaanad qaadaa xogtay soo gudbiyaan inaysan dowladda dhaafayn hadii ay dhaaftana aan la iskaga harayn ee qofkii gudbiyay sirdoonku shaqadooda ka qabsanayaan.

Sidoo kale waxaa dhacda in dad badan laga shakiyo lkn aan caddayn sax ah lagu hayn sirdoon keennu waa inuu daba galaa, taleefanadooda dhagaystaa, dhaqdhaqaaqooda lala socdaa cid walba oo laga shakiyo oo ay soo gudbiyaan horjoogaha xaafadda ama shacabku, degmo walba waa inay lahaataa cutub sirdoon ah oo u gaara oo la shaqeeya saldhiga degmada iyo hay’ada NISA, fahad yaasiin iyo taliyaha NISA waxaan ka rajaynayaa inay ku guuleystaan dhisidda sirdoon tayo leh.

5. Diiwaan galinta hubka iyo kantaroolkiisa.

Dowladdu waa inay bixisaa shatiga hubka siisaana dad ay hubto inay ilaalinkaraan shuruucdiisa, gabi ahaan ba waa in la xiraa suuqa hubka ee caasimadda, mamnuuc na laga dhigaa in la iibiyo rasaasta iyo hubka labadaba, qof walba oo loo sharciyeeyo qori ama bastoolad waa in uu haystaa in cayyiman oo rasaas ah, lagulana xisaabtamaa hadii laga waayo rasaastaas ama hubkaas, hadii uu ibinayo hubka waa inuu ka iibiyaa qof damiin leh dowladdana ku wargaliyaa iibsadaha cusub, shattigana loo badalaa.

6. Baaritaanka xaafadaha oo loo sameeyo si kadis ah.

Saldhigga degmadu waa inuu habeen baa aag u baaraa si kadis ah oo aan horay loo sii shaacin, guri walba waa in laga hubiyaa in uuna joogin qof uusan ogayn horjoogaha xaafaddu, sidoo kalena inuu yaal hub sharci darro ah oo aan dowladda u diiwaan gashanayn, ama sidoo kale gaari aan diiwaan gashanayn oo stickerkii wasaaradu ku dhaganayn, dhamaan wax yaabahaasi waxay hubinayaan in sharciyada dowladda la fuliyay qofkastana yahay mid u hogaansan, qofkii hub sharci darro ah haysta, ama gaarigiisa uusan diiwaan gashanayn ama qof aan la ogayn guriga ku haystay waxaa lagu samaynayaa baaritaan dheeraad ah oo lagu hubinayo, hadii waxba lagu waayo waxaa lagu ganaaxayaa sharciga uu jabiyay.

Ugu dambayn waxaan dowladda kula talinayaa dadaalladaas lagu sugayo amniga caasimdda  lagu dhinac wado xoreynta dalka  oo dhan waayo inta nabad diidku haystaan hal degmo oo dalka katirsan taas macneheedu waxay tahay wali waxay heli karaan meel ay canshuur ka qaadaan askar ka qortaan kuna soo abaabulaan falalkooda amni darro.

Gunaanad.

Shacabka waxaan ka rajaynayaa inay dowladda u noqdaan, dhego, iyo indho ay wax ku aragto, dowladduna noqoto gacantii shacabka ka qaban lahayd dhibka

W/Q: Abdullahi Ciid.
Email: Seaman700@gmail.com
Mogadishu, Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this