Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Mooshin ka dhan ah madaxweyne maamul oo xowli uga socda Xamar

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan wararka ku heleyno waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ka socda mooshin la doonayo in xilka looga qaado Hogaamiyaha Maamulka Hir-shabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Mooshinka la doonaayo in xilka looga qaado Hogaamiye Waare ayaa waxaa magaalada Muqdisho kawada Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka maamulka oo ay wehlinayaan tiro Wasiiro ah oo ka tirsan maamulka.

Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Hir-shabeelle ayaa inoo xaqiijiyay in Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka uu iminka soo gaaray magaalada Muqdisho waxaana lasoo sheegayaa inuu qeyb ka yahay mas’uuliyiinta hor boodaya mooshinka.

Mooshinka xil ka qaadista Hogaamiye Waare ayaa salka ku haya howlgudasho la’aan iyo inuu ka meermeerayo in lagu shaqeeyo magaalada Jowhar, kadib markii uu saldhigtay magaalada Muqdisho.

Mooshinka oo markiisa hore ka socday magaalada Jowhar ayaa iminka loo soo wareejiyay magaalada Muqdisho waxaana lagu wadaa in la horgeeyo Baarlamaanka oo galay fasax ciidda 19-08-2018, dibna u furmi doono 1-September-2018

Qaar ka mid ah Xildhibaannada Baarlamaanka Maamulka ayaa sheegay in xubno badan oo ka mid ah Baarlamaanka ay Mooshinka kusoo saxiixeen magaalada Jowhar, halka kuwa kale ay ku saxiixayaan magaalada Muqdisho.

Mooshinkan ayaa la sheegayaa in ay gadaal ka riixeyso Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya,waxaana sidoo kale Magaalada Jowhar ka socda qorshe uu Hogaamiyaha Hirshabelle uga hortagayo Mooshinka isaga ka dhanka ah ee ka socda Muqdisho.

Sidoo kale, Hogaamiye Maxamed Cabdi Waare ayaa la sheegayaa in uu Jowhar ka wado qorshe uu isku shaandheyn ugu sameynayo Golihiisa Wasiirrada,waxaana uu xildhibaannada qaar u ballanqaaday in uu ka dhigayo Wasiirro sidaas darteedna ka laabtaan mooshinka isaga ka dhanka ah.

Qaar ka mid ah Xildhibaannada Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa kalfadhigii 4aad ee Baarlamaanka ay kula xisaabtamayeen Golaha Wasiirrada ku eedeeyay Waare in uu curyaamiyay shaqada Maamulka Hirshabeelle islamarkaana aysan kulmin Golaha Wasiirrada,sidoo kalena uu musuq maasuqay dhaqaalah Hirshabeelle.

Si kastaba ha ahaatee, Waare ayaan la ogeyn sida uu ka yeeli doono Xildhibaanada Mooshinka kawada ee ku sugan magaalada Muqdisho waxaana xusid mudan in Mooshinkaan uu ka duwan yahay kuwii hore.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this