Sign in to follow this  
Deeq A.

Shaki la geliyey xaaladda caafimaad ee Abiy Ahmed iyo jawaab laga bixiyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Axmed ayaa markii ugu horeysay ka jawaabay wararka sheegaya inuu xanuunsan yahay.

Abiy Axmed oo u muuqday mid su’aasha kadis looga dhigay ayaa sheegay inuu maqlay warar muujinaaya in xanuun uu ku qabsaday dalka Mareykanka xili uu halkaa ku joogay booqasho.

Waxa uu Abiy Axmed sheegay inuu yahay mid caafimaad qaba isla markaana aan ku xanuunsan dalka Mareykanka, sida uu haddalka u dhigay markii la hadlaayay saxaafada.

Waxa uu tilmaamay in shaqsi ahaantiisa uusan aheyn dadka isticmaala dawooyinka misna ku degdega goobaha caafimaadk, isagoo taa bedelkeeda sheegay inuu aad u jecelyahay jimicsiga.

Nuqul kamid ah hadalkiisa ayaa ahaa “Aniga maba ihii dadka isticmaala dawooyinka mana soo gato dawo, waxaan aaminsanahay jimicsi iyo sporti oo ah aasaaska caafimaadka”

Abiy waxa uu sheegay in baraha bulshada lagu soo bandhigo wax waliba oo shaki galinkara xaqiiqda, sidaa aawgeed waxa uu meesha ka saaray wararka sheegaya inuu ku xanuunsaday dalka Mareykanka oo uu dhawaan gaaray.

Si kastaba ha ahaatee, warbaahinta qaar ayaa qoray in Ra’isul wasaare Abiy Axmed lagu sumeeyay raashiin ay u leeyihiin Hido iyo dhaqan, hase yeeshee waxa uu hadalkaasi noqonayaa mid beenoobay.

Caasimada Online
Xafiiska Addis Ababa
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this