Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Axmed Madoobe oo arrin halis keeni karta la damacsan gobolka Gedo

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Warar soo baxaaya ayaa sheegaya in Hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe uu wado qorsho ciidamo cusub lagu geynayo Degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo.

Wararku waxa ay sheegayaan in ciidamada uu qorsheynaayo Axmed Madoobe ay qeyb ka noqon doonaan kuwa Kenya, halka kuwa ugu badan ay noqon doonaan Militeriga maamulka.

Ciidamadan oo uruurintooda ay socto ayaa loo diyaarinayaa in la geeyo Baardheere iyo Garbahaarey oo ay ku yaalan xarumaha ugu waaweyn ee maamulka Gobolka.

Ciidamada uu Axmed Madoobe doonaayo inuu geeyo Gobolka Gedo ayaa waxaa Garoonka magaalada Kismaayo looga daadgureyn doonaa Diyaarad laga leeyahay dalka Kenya.

Degmada Baardheere iyo Garbahaarey ayaa waxaa kusii kordhaaya kacdoonada ka dhanka ah maamulka Jubbaland, waxaana halkaasi dhawaan looga dhawaaqay in Axmed Madoobe iyo maamulkiisa aanu ka shaqeyn doonin Gobolka Gedo.

Axmed Madoobe, ayaa doonaaya in ciidamadaasi uu u adeegsado hakinta kacdoonka ka socda magaalada Garbahaarey oo ay ku sugan yihiin Siyaasiyiin kasoo horjeeda maamulka.

Ciidamada uu Madoobe geyn doono Gobolka ayaa halis ku ah Gobolka Gedo, waxaana suuragal ah in halkaa uu ka dhaco dagaal u dhexeeya dadka deegaanka oo diidan maamulka Jubbaland iyo ciidamada.

Dadka kasoo jeeda Gobolka Gedo ayaa diidan gabi ahaan Axmed Madoobe iyo Maamulkiisa, waxa ayna arrintaasi ka danbeysay kadib markii Hogaamiyaha maamulka uu dhaleeceeyay Dowlada Somalia ee uu Hogaamiyo Farmaajo.

Si kastaba ha ahaatee, maamulka Jubbaland ayaa u diyaar garoobaya doorasho heer Madaxweyne, waxa uuna Axmed Madoobe baqdin ka muujinayaa in lala gadiyo doorashada.

Caasimada Online

Xafiiska Kismaayo

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this