Sign in to follow this  
Deeq A.

‘Mowqifka Qalbi-Dhagax ee Somaliland waa dagaal uu ku qaaday Puntland’

Recommended Posts

Deeq A.   

Qalabi Dhagax wuxuu qaadey talaabooyin badan oo u muuqda dagaal ku talo gal ah oo uu ku qaadayo reer Puntland, marka loo eego sida uu dhinac ula noqday Somaliland. Talaabooyinka sida qaldan uu u qaadey waxaa ka mid ah:-

1 – Xafladii ugu horeysay oo loogu sameeyey Nairobi, wuxuu muddo aan ka yareyn 15 daqiiqo ka sheegkeynayey oo xayeysiinayey hor u mar uu sheegay inay gaadhey Somaliland, Dimoqraadiyad, doorashooyin iyo cadaalad bulsho oo ay sameeyeen.  Wuxuu meesha ka saarey xasuuqa iyo qabsashada Laascaanood, iyo weerarka qaawan ee Tukaraq.

2 – Wuxuu qaabilaad rasmi ah iyo isla sawir u sameeyey Feysal Cali Waraabe oo la ogyahay meesha uu ka taagan yahay gaar ahaan reer Puntland iyo guud ahaan Somalia.

3- Ugu dembeyntii wuxuu qaabilaad rasmi ah iyo isla sawir la sameeyey wafdi ballaaran oo Somaliland darteed u soo dirtey, oo casuumad u wadey isna ka aqbalay inuu Hargeysa ka degayo.

Amaanta aanay lahayn Somaliland, Qaabilaada Feysal iyo wufuudii ka dembeeyey weliba waqtigan xasaasiga waxay muujinaysaa daandaansi siyaasadeed iyo inuu taageersan yahey waxa Muuse Biixi ka sameynayo arriamaaha sool, Sanaag iyo Tukaraq. Waxa kale ee ay muujineysaa sida aanu u aaminsanayn midnimada iyo wada jirka Somalia.

Mar rag saaxiibo la ah ay arrintaas wax ka weydiiyeen Qalbi dhagax, wuxuu ku jawaabey Puntland-ta aad ka hadleysaan waa dhulkii Cabdillaahi Yusuf iyo Faroole ONLF-ta ka dhiibi jireen oo waxaan u aqaana “xabaalihii ONLF”. Soomaliyada aad sheegeysaana waa tii Farmaajo iga dhiibey.

2 – Axmed Madoobe.

Madaxweyanaha Jubaland isagoo ka hadlaaya garoonka Diyaarada ee Kisamaayo isagoo ka soo laabtey Safar uu ugu maqnaa debeda, wuxuu ka hadlaayey Dagaalka u dhexeeya Somaliland iyo Puntland, wuxuuna u hadalaayey sidii inuu yahay QM.

Wuxuu yiri “Dadka Soomaaliyeed maanta uma baahna dagaal iyo barakcin. Waa in la joojiyaa dagaalka. Tukaraq uma baahna barakicin iyo xabad ee waa in caqligu shaqeeyo”.

Waa hadalkii UN-ka.  Soo ma arko in Muuse Biixi goor habeen soo weerarey Tukaraq oo dad shacab ah ku xasuuqey isagoo weliba sheeganaya meel 10 KM u jirta Garoowe, maa arrintaasaa dhex-dhexaad laga noqon karaa?

Somalidu waxay ku maahmaahdaa meeshaad nin ka qaadatey, nin ayaa uga tegtay. Waxaana muuqata ragaas oo dhan iney la jiraan Muusa Biixi iyo weerarkiisa.

Bal aan aragno waxay dhasho.

W/Q: Aamina Aadan Xersi

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this