Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamaanka DDSI oo go’aan ka gaaray Madaxweynaha cusub & 7 xubnoo oo laga saaray Xisbiga dhexe

Recommended Posts

Deeq A.   

Jigjiga (Caasimada Online)-Baarlamaanka maamulka DDSI ayaa maanta go’aan ka gaaray Madaxweynaha cusub ee DDSI Mustafa Muxumed Cumar (Cagjar), kadib kulan gelinkii dambe ee maanta ay ku yeesheen magaalada Jigjiga.

Xildhibaanada baarlamaanka ayaa codka kalsoonida siiyay Madaxweynaha cusub, kadib markii uu hortooda ka jeediyay Khudbad ku saabsan talaabooyinka uu qaadi doono.

Xildhibaanada Baarlamaanka intaa kadib waxa ay isla kulanka ku ansixiyeen in xisbiga dhexe laga saaro 7 xubnood oo ka mid ahaa xisbiga, kuwaa oo loo soo jeediyay eedeymo kala duwan.

Xildhibaanada baarlamaanka waxa ay sidoo kale sheegen in sharci daro ay tahay dhammaan Gobolada iyo Degmooyinka uu magacaabay Madaxweynihii hore Cabdi Cumar wixii ka danbeeyay 1-dii August, islamarkaana la doonayay in lagu burburiyo nidaamka dawliga ah, loogana soo horjeeday ammaanka.

Sidoo kale, Baarlamaanka DDSI ayaa isla kulanka ka sheegay in Madaxweynaha cusub ee maamulka Mustafa xiligaani wixii ka danbeeya uu yahay xubin sare oo ka mid noqonaya xisbiga talada haya ee EPDRF oo ah kan haya talada Ethiopia.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha cusub ee DDSI Mustafa Muxumed Cumar ayaa lagu wadaa inuu soo dhiso xukuumad ka tayo badan kuwii hore waxa uuna xiligaan wixii ka danbeeya u guda gali doonaa shaqooyinkiisa.

Caasimada Online

Xafiiska Jigjiga

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this