Sign in to follow this  
Deeq A.

Mid kamid ah Wasaarada XFS oo soo saartay digniin culus oo ku socta Shacabka (Ujeedka)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada Xukuumada Somalia ayaa markii ugu horeysay digniin kasoo saartay lambero dibadda ka imaanaya kuwaa oo qalqal galinaaya shacabka.

Qoraal ay wasaarada soo dhigtay barteeda Facebooka ayaa waxa ay ku sheegtay inay soo gaartay cabashada dadweynaha oo ku saabsan lambaro ka imaanaya dalka dibaddiisa oo wata furaha +43 oo ujeedadooda ay tahay in lagu dhaco shacabka.

Wasaarada waxa ay shacabka Somaliyed uga digtay in aysan ku degdegin lambarada dibadda ka imaanaya, kuwaasi oo ujeedadooda ay tahay in ay dhacan shacabka.

Waxa ay sheegtay Wasaaradda Boostada in ay xiriir la sameyneyso dalka laga leeyahay lambaradan, iyada oo kala shaqeyneysa sidii arrintan wax looga qaban lahaa.

Halkan hoose ka akhriso qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Boostada Soomaaliya.

Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada waxaa soo gaaray cabashada dadweynaha oo ku saabsan taleefoonno ka imanaya dalka dibeddiisa oo wata furaha +43 kuwaas oo loogu talo galay in lagu dhaco shacabka Soomaaliyeed.

Wasaaraddu waxay la xiriireysaa dalka laga leeyahay lambarradan, iyadoo kala shaqeyneysa sidii arrintaan wax looga qaban lahaa.

Hase yeeshee, waxaan dadweynaha uga digeynaa inay ku kadsoomin lambarrada noocaan oo kale ah oo aysan dib u wicin maadaama ay lacag badan goosanayaan.

mmmm.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this