Sign in to follow this  
Deeq A.

Axmed Madoobe oo xalada ay ku xun tahay & Shirar is diidan oo ka kala socda magaalooyinka Garbahaareey iyo Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa wali magaalooyinka Kismaayo Iyo Garbahaareey oo ka tirsan maamul Jubaland ka socda shirar iska soo horjeeda oo midi lagu diidan yahay maamulka Axmed Madoobe.

Shirka ka socda Garbahaareey ayaa u dhexeeya Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka oo iyagu aad uga soo horjeeda jiritaanka maamulka Axmed Madoobe, waxa ayna ku dhaleeceynayan inuu kala geeyay qabaa’ilada ku hoos nool maamulka.

Shirka oo siyaabo kala duwan ay khudbado dhaliil xanbaarsan uga jeediyeen dhinacyada kulmay ayaa waxa inta uu socday leystusay in ay muhiiimtahay in meel looga soo wada jeesto nidaamka Jubaland.

Siyaasiyiinta iyo waxgaradka magaalada Garbahaareey ayaa isku raacay in deegaanka aysan soo gaarin mas’uuliyiin ka socda Jubbaland, isla markaana la qaadaco go’aan waliba oo kasoo baxa Xafiiska Axmed Madoobe.

Sidoo kale, Nabadoonada iyo siyaasiyiinta reer  Jubaland gaar ahaan magaalada Kismaayo ayaa iyaguna isku dayayo in xal loo helo tabashada reer  Garbahaareey ay ka tirsanayaan Jubaland, waxa ayna taageero u muujinayan Axmed Madoobe.

Dhowr maalmood kahor ayey aheyd markii Garbahaareey dhowr Wasiir oo Jubaland ka socday lagu dibadbaxay oo qaarkood dhaawac fudud loo geystay.

Dhinaca kale,magaalada Garbahaareey waxaa maanta ka dhacay banaanbax kale oo looga soo horjeedo Hogaamiyaha Jubbaland, waxaana soo baxaaya warar sheegaya in Axmed Madoobe uu ku sugan yahay xaalad adag oo uu ku weyn karo kalsoonida dadka ku nool magaalada Garbahaareey.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this