Deeq A. Posted August 26, 2018 Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa wali magaalooyinka Kismaayo Iyo Garbahaareey oo ka tirsan maamul Jubaland ka socda shirar iska soo horjeeda oo midi lagu diidan yahay maamulka Axmed Madoobe. Shirka ka socda Garbahaareey ayaa u dhexeeya Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka oo iyagu aad uga soo horjeeda jiritaanka maamulka Axmed Madoobe, waxa ayna ku dhaleeceynayan inuu kala geeyay qabaa’ilada ku hoos nool maamulka. Shirka oo siyaabo kala duwan ay khudbado dhaliil xanbaarsan uga jeediyeen dhinacyada kulmay ayaa waxa inta uu socday leystusay in ay muhiiimtahay in meel looga soo wada jeesto nidaamka Jubaland. Siyaasiyiinta iyo waxgaradka magaalada Garbahaareey ayaa isku raacay in deegaanka aysan soo gaarin mas’uuliyiin ka socda Jubbaland, isla markaana la qaadaco go’aan waliba oo kasoo baxa Xafiiska Axmed Madoobe. Sidoo kale, Nabadoonada iyo siyaasiyiinta reer Jubaland gaar ahaan magaalada Kismaayo ayaa iyaguna isku dayayo in xal loo helo tabashada reer Garbahaareey ay ka tirsanayaan Jubaland, waxa ayna taageero u muujinayan Axmed Madoobe. Dhowr maalmood kahor ayey aheyd markii Garbahaareey dhowr Wasiir oo Jubaland ka socday lagu dibadbaxay oo qaarkood dhaawac fudud loo geystay. Dhinaca kale,magaalada Garbahaareey waxaa maanta ka dhacay banaanbax kale oo looga soo horjeedo Hogaamiyaha Jubbaland, waxaana soo baxaaya warar sheegaya in Axmed Madoobe uu ku sugan yahay xaalad adag oo uu ku weyn karo kalsoonida dadka ku nool magaalada Garbahaareey. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com Quote Share this post Link to post Share on other sites